Qiso Jacayl oo dhab u dhacday oo Taxane ah
Guri bay dhisatay Qalbigaygiina way dumisay
QAYBTII 1AAD
Waxaa magaalada Jigjiga ka dhacday qiso yaab lahayd oo kala dhex martay laba qof oo aad isku jeclaa laakiinse aan calaf
isku yeelan labadaas oo lakala odhan jiray Axmed iyo Hodan waxay degganaan jireen xaafad ka tirsan magaalada Jigjiga. Qisaduna
waxay ku billaabatay sidan:
Hodan ayaa billowgii waxay degganaan jirtay Dalka Jabuuti markii ay waxbarashadeedii dhinaca carabiga meel fiican ka
gaadhay ayay timid dalka Ethiopia gaar ahaan Jigjiga waxayna markiiba ay is barteen Wiil la yidhaahdo Axmed, Hodan waxay ku
soo hagaagtay wakhti fasax lagu jiro iskuulaadka Jigjiga taas oo u saamixi wayday inay billowdo iskuulka oo ay ka sii wado
tacliinteedii meeshii ay kaga tagtay,.
Arrin layaab leh ayaa soo wajahday Hodan taas oo ahayd in nin dibadda ka yimid uu damcay in uu guursado Hodan, laakiin
iyadu waa ay diiday in kastoo la isku dayay dhinaca reerkooda in lagu qasbo in ay raacdo nin kaas maadaama uu xoolo leeyahay,
laakiin waa ay diiday hodan in ay raacdo ninkaas qalaad ee aysan garanayn wax uu yahay iyo meel uu ka soo jeedo toona.
Hodan ayaa markiiba la socodsiisay Axmed arrinta soo korodhay Axmedna iyada ayuu ku raacay arrinkeeda waa uuna diiday
in ay hodan raacdo ninkaas waxa kaloo uu hodan u sheegay in iyadu ay ikhtiyaarka u leedahay oyna raaci karto ninka ay doonto
ee iyada u noqda, ninkanna waxay ku diidanayd wuu ka waynaa illaa xad diinna ma lahayn.
Arrintii waxay sidaas ahaataba waa la ilaaway oo laga caajisay taas, wali ma bilaaban jacaylka Axmed iyo Hodan laakiin
waa la isku soo socdaa.
Axmed hodan wuu la dadaalay oo wuxuu la qabtay wax walba oo ay magaalada uga baahnayd, wuxuu ku daray meel kombuyuutar,
markii iskuulaadkii la furayna wuu la dadaaalay oo wax badan la qabtay, Hodan waxaa yaraanteed jeclaa nin kale oo dalka dibadiisa
ku maqnaa kaas oo ay iyadu aad u jeclayd laakiin maadaama la kala maqan yahay ay ka kaaftoontay balse ay wali jacayl u qabto,
wiilkaas dibadda ku maqani wuu la soo hadli jiray waraaqana wuu u soo diri jiray, Axmed wuu ogaa tallaabooyinka uu qaadayo
nin kaasi balse waxba umuusan arkaynin ilaa waagii dambe uu dhiniciisa ka billaabo iyadoo ay hodan dareemin in qofka farriimaha
soo dirayana in uu Axmed yahay iyo in kale farrimaha magac kale ayuu ku soo qori jiray Axmed sidoo kale wuxuu ka dhaadhicin
jiray in uu yaqaano kaliyaata qofka farriimaha u soo dira, Hodan waa ay wareertay ........
la soco qisada waa taxane ee.................
QISO JACAYL DHAB AH
JACAYLKII QOTADA DHEERAA MA JABKAN AYAA U DAMBEEYAY
Waxaa
magaalada Diri dhaba ka dhacday qiso aad u yaab lahayd taas oo ahayd qiso dhab u dhacday, qisadu waxay kala dhex martay laba
qof oo run ahaantii markii hore is lahaa calaf ayaad isku yeelan doontaan balse markii dambe aan noqon siday doonayeen.
Axmed ayaa
wuxuu ahaa wiilka jecel gabadha la yidhaahdo Hoden, Axmed iyo Hoden waxay degganaan jireen Magaalada Diri dhaba gaar ahaan
xaafadda la yidhaahdo Xaafad Ciise.
Hoden iyo
Axmed jacaylkoodu wuxuu ahaa mid gaadhsiisan meel aad u sarraysa, Axmed iyo Hoden waxay wada gali jireen hal xaafad, Hoden
oo aad u qurux badnayd waxay soo jiidatay quruxdeedii dhammaan dhalin yartii magaalada, dhalinyartii magaalada ayaa isla markiiba
isku dayay inay bartaan Hoden balse way usuurtoobi wayday waxaana ku guulaystay Axmed isaga ayaana noqday wiilkii u horeeyay
ee Hoden jeclaada.
Muddo
dheer ayay wada socdeen Hoden iyo Axmed, Axmed ayaa maalin u kici tamay dhinca Addiis Ababa isagoo u tagay halkaa xaalad caafimaad
intii uu halkaa joogay waa uu la soo xidhiidhi jiray wuxuuna had iyo jeer la soo hadli jiray Hoden, Hodenna waxay had iyo
jeer heegan ku ahayd qolka uu yaalay teleefanku waxayna aad u xiisayn jirtay lahadalka wiil nasiib u yeeshay inuu la xidhiidho
iyada waa Axmedee.
Axmed
jacaylka uu u qabo Hoden muunan shaac bixin balse maalin ayaa waxaa ogaadey jacaylkaa ka dhaxeeya Axmed iyo Hoden Axmed Adeerkii
oo ay Addiis isla joogeen, sababtuu ku ogaadeyna waxay ahayd Axmed ayaa la arkay maalin isagoo Kombuyuutarka ku qoraya magaca
Hoden oo aad ugu sharaxay Kombuyuutarka kaddib buu adeerkii waydiiyay magacan gabadha iska leh wuxuuna u sheegay Axmed in
gabadhani tahay gabadh uu aad u jecel yahay kuna nool magaalada Diri dhaba.
Axmed
markii uu Addiis ka imanayay wuxuu Hoden usoo iibiyay Hadyado qaali ahaa oo isugu jiray dhammaan waxyaabahay ka hesho gabadh
la jecel yahay sida Hoden.
Axmed
ayaa Hoden u sheegay in jacaylkoodii soo shaac baxayo wuxuuna u sheegay qofkiii ugu horreeyay ee ogaada jacaylkan inuu yahay
Axmed Adeerkii, balse Hoden taas kumaynan taageerin oo khalad ayay u aragtay, si kastaba ha ahaatee jacaylka Axmed iyo Hoden
maalmo yar ayuu ku faafay magaalada Diri dhaba.
Wax
yaabihii muhimka ahaa ee ay isla mareen Hoden iyo Axmed hadaynu soo koobno waxaa ka mid ahaa:- inay Habeenkii intiisa badan
ay isku meel ku cawaysimi jireen, mararka qaarna afka ayaa wax lagu kala goosan jiray intaa waxaa dheeraa in markii mid xanuusado
ka kale la joogi jiray oo waalidkii ugu jman jiray isagoo la jooga, wax yaabihii ay Axmed iyo Hoden isla mareen kaliya wuxuu
ahaa wax ay isla maraan laba qof oo aad isku jecel.
Axmed
iyo Hoden waxay muddo xaafad wada galaanba waxaa lagaadhay wakhtigii ay Hoden iyo reerkoodu u guuri lahaayeen Jigjiga balse taas waxay Axmed ku noqotay argagax iyo qaadan waa, wuxuuna Axmed ku adkaystay in uu Jigjiga
kaga daba tago wakhtiga ugu dhaw, maalintii ay guuri lahaayeen habeennimadeedii ayay Axmed iyo Hoden kulmeen waxayna isku
af garteen in Axmed kaga daba yimaaddo Jigjiga, habeen kaasna Axmed waxay u ahayd habeen modow oo naxdin leh, subaxdii ayay
guureen Hoden iyo reerkoodii waxaana sii raacay ilaa xeradii basaska Axmed ood moodid inuu la socdo Janaa iso naxdinta ka
muuqata awgeed balse taas waxaa uga sii naxdin darnayd markii uu ku soo noqday gurigii oo cidla ah ma joogto Hoden raadkeediina
ma muuqdo gurigii waa cidlo, Axmed ma iman jirin xaafadda muddo dheer maxaa yeelay waxaa ka maqan gabadh uu had iyo jeer arki
jiray, had iyo jeer codkeeda macaan maqli jirin.
Bilo
kaddib ayuu Axmed tagay Jigjiga wuxuuna markiiba raadiyay Hoden halka ay deggan tahay imbadan markii uu daydayay ayuu helay
xaafadii Hoden laakiin muusan arkin Hoden wakhtigaa waxaa xaafadda joogtay Hoden walaasheed oo ahayd gabadhii xaafadda lahayd
markii uu waydiiyayna waxay u sheegtay in Hoden ay ku maqan tahay Aroos ka dhacaya magaalada Dhagax buur, Axmed markii warkaa
aan fiicnayn loo sheegay markiiba Jigjiga waa uu ka yimid wuxuuna ku soo noqday Diri dhaba isagoo dantii uu u tagay Jigjiga
aan ku soo guulaysan.
Muddo
dheer kadib ayuu haddana Axmed isku dayay in uu ikicitimo dhinacaas iyo magaalada Dhagax buur balse umaynan suurta galin wuxuuna
ku samray in mar un ay Hoden ku soo noqon doonto Diri dhaba.
Saddex
bilood kadib ayay Hoden timid magaalada Jigjiga reerkooduna waxay degganaayeen xaafadda 06, Axmed wuxuu maqlay imaatinka Hoden
wuxuuna markiiba yimid magaalada Jigjiga isagoo markan go’aansaday in uu aad u daydayo soona helo maadaama ay xaafaddii
hore ka guureen oy xaafad cusub dageen, Axmed markii uu Jigjiga yimidba waxay is raaceen wiil ay saaxiibo yihiin Axmed oo
la odhan jiray Daahir, Axmed iyo Daahir way is raaceen waxayna raaceen taaksi ay khaas u kiraysteen waxayna daydayeen Hoden
meesha ay ka deggan tahay Jigjiga raadintiina waxay ku qaadatay wakhti dhan 5 saacadood, kaddib ayay si farxad leh u heleen
xaafadii Hoden, waxay arkeen Hoden oo dhar maydhaysa xaafadda horteeda, Axmed ayaa hor arkay balse waxaa la hadlay Daahir
oo u dhawaaqay isagoo leh “ Hodaney…” codkii ayay maqashay wajigoodase maysan arkin way kacday waxayna markiiba
isha ku aragtay Axmed waa wiilkii waa naftii ay is jeclaayeen! Way soo dhawaysay sidii loo soo dhawayn lahaa qof la jecel
yahay ayna jeceshay gabadh sida Hoden oo kale ah, sheeko dheer ayaa dhex martay oo ay ka mid ahayd in la iska waraystay muddadii
lakala maqnaa waxyaabihii ay la kulmeen
Markii
xogaa la is waraystayba waa laka kacay waxaana lagu ballamay in maalmaha soo
socda la is arko.
Intaa kaddib Axmed waxaa uu ku noqday Diri dhaba wuxuuna halkaa joogay muddo aad u dheerayd.
Kaddib wuxuu maqlay in Hoden ku soo noqonayso Diri dhaba aad ayuuna ugu farxay taas,
maalin isagoo suuqa socda ayuu arkay Hoden Hooyadeed way isa salaameen waxayna u sheegtay in Hoden timid Magaalada ayna joogto
xaafadda Habar-yarteed isla markiiba waa uu raadiyay xaafaddii wuuna helay balse muusan arkin Hoden oo waxay ku maqnayd suuqa
cabbaar ayuu sugay markii ay raagtay ayuu iska tagay wuxuuna ku noqday xaafadoodii, markii uu xaafadoodii tagay ayay hooyadii
u sheegtay in gabadhii uu jeclaa u timid cabbaarna sugaysay imikana tagtay, waa yaabee midba ka kale ayuu ku sugaayay xaafadooda
waa sida lagu yaqaanno jacaylka dhabta ah.
Maalin
dambe ayuu tagay xaafadii ay Hoden degganayd wuxuuna arkay Hoden hooyadeed wuxuu waydiiyay Hoden meesha ay jirto waxayna u
sheegtay in 10 daqiiqo kaddib soo noqonayso waxayna u sheegtay in uu sii sugo inta ay ka imanayso, wuxuu cabbaar sugaba Hoden
ayaa timid iyadoo faraxsan oo dhoolla caddaynaysa maxaad ku taqaannaa gabadh aragtay wiil ay jeclayd markii ay aragto waa
inay farxad dareentaa.
Markii
la is arkay ayaa la isa salaamay waana lawada fadhiistay wax yar markii lawada sheekaysanayay wakhtiga oo cidhiidhi ahaa awgii
ayaa la ballamay in la is arko maalinta Axadda ah sidii ayaana lagu kala tagay, imika dhibaato malaha maxaa yeelay magaalo
ayaa lawada deggan yahay oo waa la is arki karaa wakhtigii la doono.
Balse
iyadoon ballantaas la gaadhin ayaa waxaa soo dhawaatay wakhtigii uu Axmed u wareegi lahaa Jigjiga halkaas oo shaqo rasmi ah
ka billaabayo waxaana qasab ku noqotay in uu dib u yaraha dhigo tagitaanka Jigjiga oo marka hore is arkaan Hoden, Hoden markii
ay maqashay in uu Axmed tagayo Jigjiga way naxday waxayna ku noqotay lama filaan iyo war laga naxo.
Axmed
ayaa maalintii ballantu ahayd u tagay Hoden waxayna ku kulmeen Macmacaanle u dhawaa xaafadda Hoden, sheeko dheer ayaa la galay
oo qaarkeed aan halkan lagu sheegi Karin.
Markale ayuu Axmed la hadlay Hoden, markan ismaynan arkin laakiin teleefan ayaa lagu
wada hadlay, Hoden waxay la soo hadal qaaday guur iyo waxyaabo lamid ah laakiin isagu waa Axmedee waa uu ka gaabsaday, wuxuuna
u arkayay Hoden wali gabadh yar oo guurka waxba ka aqoonin, waxan ay sheegaysana waa guurka ee inay ka tahay ciyaar iyo kaftan,
markale waxaa Axmed teleefan kula hadlay Hoden Eedadeed oo iyadana la soo hadal qaaday inuu Hoden mustaqbalka guursanayo iyo
in kale laakiin markasta waxaa uu lahaa Axmed Hoden wali way yartahay, si kastaba ha ahaatee Axmed markii uu Diri dhaba ka
yimid jigjigana uu joogo 3 bilood ayaa la guursaday Hoden, waxaa la dhacay gabadh uu jeclaa nafta u saari jiray waxaana guursaday
nin baadiye ka yimid oo ilma abti isku ahaayeen.
Axmed jab kaa ayaa u dambeeyay wuxuuna waagii dambe ku noolaa magaalada jigjiga, Axmed
wuxuu guursaday gabadh kale oo wanaagsan una eg gabadhii laga guursaday wuxuuna deggan yahay xaafad ka mid ah magaalada Jigjiga
Sheekaddii naxdinta lahaydna halkaa ayay ku dhammaatay
|
KA TAXADAR INTERNETKA
KHATARTA INTERNETKA
DIGNIIN KATIMID INTERNETKA OO KUSOCOTA
AABAYAASHA IYO HOOYOOYINKA SOOMAALIYEED IYO GUUD AHAAN SOOMAALIDA
Waa Qisadii Iila Yaabka Badneyd ee Nolosheyda
i soo Marta
Waa Qiso dhab ah oo igu dhacday saddexdii
Todobaad ee la soo dhaaftay (True Story).
Akhristow Qormadani waa ay ka duwan tahay qormooyinkii la iiga bartay
ee dhanka siyaasadda iyo Somalida. Tani waa Qiso la yaab leh, anigey I khuseysaa, khaasna ii tahaye, wallee dumarka qaarkiis
qoor gooyadaan oo kale qabribay u geli lahayaan, anigase quwad eebbe i siiyaan weli la qoslahayaa. Ceynba Ceyn Aduunyoy Cajab
iyo Layaab lehe, ma anigey Caawana igu Caarisay.
Sow Ragga qaar ma quustaan, qisaas dumar ma daayaan, Qeyrkood ma
aadaan, ma anigeyba i quusiyeen oo hadda qool ila beegsadeen, tani waa qoomomo iyo ceeb ee alahayow runtu qaraara.
Qisadani waxey na dhex martay Aniga iyo wiil dhalin yaro ah oo 28
sano jir ah sida uu ii sheegay ee ku nool dalka Norway. Qisadu waxey si rasmi ah u bilaabatay bisha June 17keedii, waxeyna
soo af jarantay 6 bishan July ee sandankan 2004. Waa muddo 3 usbuuc u dhow.
Qisadu waxey u dhacday sida tan.
Qaybta 1: Aniga, Dumaashidey iyo Sheekadii Dubai
Waxaa jirta gabar aan xidid nahay ee ah reer Hargeysa, oo London
gees ka deggan laakiin aynan weligeen is arkin, mar aan telephone ku wada hadalay ayada iyo hooyadeeba mooyee, kadibna email
ay igu soo xariirisay waqtiyo aan badneyd, laakiin Sanad iyo badh ka hor ah, maadama ay jawaab celintaydu yarayd mashquul
aan ahay awgeed, halkaasna uu ku yaraaday xiriirkeenii, balse ay tahay qof wanaagsan oo qiimo badan.
Waxaa dhacday anaga oon mudo dheer war kala helin, ayaa waqti dhow
magacii aan ku aqaanay emailka gabadhaas oo wax yar laga bedelay dhowr jeer dhambaal "MSN-ka" la iiga soo diray aniga oo mashquul
ah. Mar walbana waa la i bariidayaa, waxaana la ii sheega iney joogto Dubai, dalka Emaraadka Carabta, laakiin anigoo jawaabta
la daahay ayaa markii mudo yar ka dib aan is iraahdaa gabadha salaanta ka qaad, mise qofku khadkaba waa ka baxaa. Arrintaas
waxey igu socoto mudo aan ku qiyaasayo nusi sanad wax ka badan. Waxaan is iri walaahi gabadhaas waad ku ceebowday, waayo intaas
wey ku xiriirneysaa, markastana adiga oon jawaabsiin ayey iska tagtaa, marka danbe waa inaan hore uga jawaabaa. Waxaase ilaahey
ii keenay yaab aan isweydiiyo waxa gabadhani ka sameyneysaa dubai intaas waqti dheer, aaway ilmaheedii, aaway hooyadeed ayaa
kaligey is weydiiyaa. Yaab ayaa ilaahey ii keenaa, arrintiina waan xiiseyey inaan ogaado sida wax u jiraan, maadaama aan gabadha
ku aqaanay qof marwo ah oo qoyskeeda iyo hooyadeed dhaqaaleysa, xagga diintana ku fiican.
Si kastaba aan isu weynee, Bishan Juune bartamaheedii ayaan msnka
mar kale isu helay waana magaca emailkii dumaashidey, degdeg ayaan u bariiday, aniga oo is leh bal ceebtii hore iska meyr,
xaaladana u kuur gal. Markaan is bariidinay ka dib ayaan wey diiyey ka dib wax dubai intaas dhigay, anigoo u daba dhigay “walaal
meesha ma nin baad ku heysataa, mise arrimo ganacsi ayaad halkaas ka heshay”, waxaana hore u maqlay naago ayaa yurub
iyo mareykanka ka taga oo Emaratka Carabta u nin raadsada. Durbadiiba waxaa la iigu jawaabay haa nin aan aad isu jecelahay
ayaan halkaan is la joognaa oo sida uu ii qanciyey aan weligay wixii rag I soo maray aanan weligey asaga oo kale arkin, waxaa
durbadiiba la ii galay amaan ninka xagiisa ah. Waxaa hadalada sheekada ka dhex muuqday ineysan is qabin, waayo qofka hadalkiisa
waa is burburinyey, waxayna oraneysay waan is arooseynaa iyo Ninkega. Waxaan ku iri maxaad ninkeyga u leedahay ismaba qabtiinee,
waxey tiri “alla walaal jeceylkiisa ayaa iga batay oo waa anigaas noqon waayey”. Waxa ay ii sheegtay iney ku jirto
nolol fiican oo aan weligeed soo marin, waana mid aysan rabin iney ku soo noqoto London. Waxaan kala tagnay ayada oo dhaheysa
waan degdeg sanahay hadda ayuu ninkii shaqo ka imanayaa, waa sacadii la ii soo geli lahaa.
Waxaa ilaahey ii keenay yaab, gabadha waxaan ku ogaa iney wadaad
tahay, waxaa ii cuntami weyday, iney nin aan qabin la nooshahy dubai oo ay reerkeedii uga soo tagtay tumasho, waxaanse maqli
jiray, dubai waa loo tumasho tagaa, waxaan is iri malaha gabadhu waa is bedeshay.
Maalintii kale ayey hadana ii soo gashay msnka. Waxa ay ii sheegtay
inuu ninku qabo laakiin aan la ogeyn, anna aanan cidna u sheegin. Markaan waxaa la igu bilaabay in la ogaado aniga xaaladey.
Waxaa ay i weydiisay ragga aan xiriirka la leeyahy, waxa meesha I dhigay oon nolosha aduunka uga haray, waxaana u sheegtay
inaan waqtigan wada xiriiro nin dubai jooga laakiin uu u eg yahay nin raadinaya qof uu ku soo galo yurub ama mareykanka, sidaasna
aanan u aaminsaneyn laakiin aan jeclaan laha xaaladiisa dhabta ah. Sheeko badan ka dib ayaan ku iri aan ku siiyo telephonekiisa
ee bal xaalkiisa iiga soo waran. Waxa ay igu tiri, ninkaan haddii aadan aminsayneyn maxaad waqtiga isaga dhumineysa, miyaad
jeceshay, waxaan ku iri maya, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado xaalkiisa runta ah, maadama aan ku jaahwareeray. Waxey
tiri tala fiican anigaa kuu haya, ninkaas ka tala bax, waxaa jira wiilka aan is jecelnahay saaxiibkiis oo Barawaani ah oo
ninkeyga ay isku facyihiin ayaan ku barayaa, waa wiil fiican oo halkan dubai ka shaqeysta aan qarash iyo passport raadis aheyn,
waxaan weydiiyey da’diisa, waxeyna ku jawaabtay waa 28 jir. Waxaan ku iri alla abaayo wiilasha iga yar ma haweysto kuwa
igu faca ah ama iga weyn ayaan ka jeclahay. Waxey tiri ilaa da’dee, waxaan ugu jawaabay ilaa 45 jir aan xaas laheyn.
Waxey tiri, “alla maya abaayo sidaas ha dhihin, nimanka waaweyn ma fiicna, dhabar baa i xanuunaya iyo jilib baa la iga
hayaa ayey kugu dilayaan”. Hadda midkaan isla joogno waa 28 jir, kaalay is ka arag sida uu ii qanciyo, abaayo macaan
waxaan aheyn ima yiraahdo, hadal aan ka xumaado ama dhegaheyga aan u rooneyn ima yiraahdo. Waxaan weydiiyey inuu xaas kale
leeyahay, waxeyna ku jawaabtay haa wuu leeyahay xaas iyo ilmo buu leeyahay Holland u joogta, laakiin aniga ayuu iga jecel
yahay oo intaas maalin iyo habeen ila joogaa. Waxey sii raacisay Abaayo wiilasha yar waxaan aheyn xiriir ha la sameysan, walaahi
ku doorsan meysid kuwa waaweyn. Sheeko dheer ka dib maalintaas waxaan ku adkeystay iney war iiga keento bal midkii aan hore
isu naqaanay oo ay wacdo, waxaana ku tabacay telephonekiisii.
Maalintii ku xigtay, waxey ii soo gashay, ayada oo leh, abaayo ka
tala bax, ninkaas mar haddii adan jecleyn, oo aadan aminsaneyn, aniga ayaa waxaan kuu hayaa wiil fiican oo runtii aan kuu
soo xulay. Waxaan weydiiyey inay marka horta wacday lambarkii telephoneka een siiyey, waxey tiri haa lama qabaneyn. Laakiin
abbaayo ninkaan aan kuu soo xulay, ninkeyga ayay is ku reer yihiin, waa nin fiican. Waxaan ku iri abaayo waan ku xishmeeynayaa
ee ha barin wiil iga yar. Waxay iigu jawaabtay wax dhib ah kama imanayaan, waa nin passport heysta, oo yurub ku nool, oo aan
dal ku gal kaa rabin, waa nin wanaagsan, iska dhaaf ninkan qaarad kale jooga, kuma soo gaari karo, ee midkaas aan soo xulay
bal asaga la xiriir; wuxuuna yiri walaahi haddaan is fahmno waan guursanayaa, da’na wax ay qiimo ku fadhido ma jirto,
waxaan u muujiye calaacal badan oonan jecleyn da’ da iga yar inaan la sheeko gaar ah la yeelan iyo inuu burbur ka iman
karo, mana jecli inaan qof dumaashidey I bartay xumeeyo, waxey tiri abaayo anigaa kaa balan qaaday inaan dhib ka imaanin,
waa nin degan ee wiilka ha iga xumeynin, haddana laba maalmood wuxuu ku laabanayaa dalka Norway ee ha iga Xumeyn wiilka waa
nin wanaagsane. Haddana asaga ayaan uga baxayaa computerka ee si fiican ula sheekeyso. Walaahi kan hadaad hesho aad
baad u nasiib badan tahay. Calaacal badan kadib oon muujiyey iimo badan ayay warkii iigu soo gabagebeysay, waxaas adinku ka
wada hadla. Hadana computer asaga ayaan uga kacayaa ee la soco.
...Wixii aan ku sheekaysano yaan qof kale ogaan..... |
Waa laga baxay emailkii magaca gabadhu ku qornaa, waxaana wiilkii
iga codsaday inaan u ogolaado inaan emaikiisa ku darsado liiska MSNkeyga, waana ka aqbalay, markuu isku key sheegay ka dib,
ayuu haaswe iyo hadal macaan ila galay, asaga oo sheekada ku daraya ineysan fiicneyn wixii aan ku sheekeysano inuu qof kale
ogaado, anna kama waalin ee waa lawaday, goor 8deedii fiidnimo tahay ayuu yiri abaayo waan sii baxayaa, halkaas ayey sheekadii
oo meel fiican mareysa aan ku kala tagnay, welise waxaan la yaabanahay gabadhii dumaashiday aheyd iyo sida xaal ka noqday.
Maalintii labaad ayaa haddana wiilkii ii soo fadhiistay, waxaan ka wada sheekeysanay wixii qof walba soo maray si daacad u
muuqata. Hadana goor abaarihii 8deedii ama sagaalkii fiidnimo ayuu igu yeri waan ka baxayaa guriga oo magaalada ayaan u dhaadhacayaa,
maadama aan rabo inaan berito baxo oo Dubai aan ka tegayo, waxaan ku labaanaya Norway, markii aan tago ayaan kula soo xariiri.
Anna Waan ka Aqbalay. Waxaase iga yaabisay sagaalka (9-ka) fiidnimo marka ay annaga noo tahay oon dubai seddex saac naga sii
horeyso, magaalada furin oo uu aadayo. Labadan qof sheekadooda aad baan uga shakisanahay waxaana is weydiiyey "tolow maxay
maagan yihiin" [“what they are after”]. Waxaan ku fekerey iney wax maagan yihiin, laakiin waan fahmi waayey
waxa ay daba joogaan, anna ma rabin inaan waqti isaga dhumiyo oon ku fekero.
Maalintii seddexaad ayaa hadan la igala soo xariiray emailkii gabadha
magaceedu ku qornaa, ayada oo war la iga raadinayo, bal inaan wiilka ka helay oon daacad u ahay iyo inkale. Waxeyna I weydiisay
sida aan aniga iyo wiilkii isku afgaranay, anna waxaan u sheegay in wax walba wanaag ku socdaan, ee haddii arrinti si fiican
ku dhamaato in ilaahey ajar ka siin doono, ayaduna waxey igu tiri waan isku leenahay. Dhowr kelimo oo xasaasi ah ka dib, sidii
caada u aheyd waxa ay ii sheegtay inay deg deg santahay ee ay tahay waqtigii ninkii shaqo uga imaan lahaa, ayna ka baxeyso.
Maalintii afaraad ayaa haddana qadkii gabadha magaceedu ku yaalay
la igala soo xariiray, waxaana sheekada lagu bilaabay wiilkii ma kula soo xariiray, anna waxaan iri maya labadaan berri wax
war ah kama helin. Waxey tiri malaha safarkii iyo daalkii ayaa ka batay ee walaahi aad buu kuu amaanayey wuxuu yiri, markaan
tagaba hore ayaan kala soo xiriirayaa oo Telephonekeyga ayaan u soo diri doonaa. Cabaar markii aan sheekadii sii wadnay oo
ay ii muujisay sida ay ugu kalsoon tahay wiilkaas iyo in jaceylkaasi mira dhali doono, ayey I tiri markuu baxayey wuxuu iga
codsaday inaad sawirkaaga u dirto ee walaalay u dir, waxaa ku iri maba aqaan ee sideen walaal ugu diraa sawirkeyga wiil iga
yar oo anan garanaynin. Waxey ku jawaabtay, annaa aqaana, kaana balan qaaday wax dhib ahi inuusan kaaga iman, ee walaal wuxuu
yiri markii aan guriga gaaro waxa ugu horeeya een rabo inaan arko waa dahabo sawirkeeda, waa inaan ka helaa emailkeyha. Waxaan
iri waa hagaag, laakiin sidaas ma sameeyo, haddiise ay adiga xagaaga (arintu ka timid); maadaama aan aad kuu xushmeeyo darted
ayaan u yeelayaa. Waan ka yeelay, waana isku afgaranay inaan wiilkaas si fiican ula sheekeysto oon wanaajin doono, sawirkana
degdeg ugu dirayo.
|