Kulamada wareega 8da ee horyaalka yurub Roma iyo Manchester, Arsenal iyo
Liverpool, isku aadkii oo la sameeyay
Kooxaha uga caansan qaaradda yurub ee u soo baxay wareega 8aad ee horyalka
yurub ayaa la soo saaray jimcihii qaabka ay isku arki doonaan, iyada oo ay kooxo waaweyn oo hal wadan ka socda qoorta la isku
galshay.
Arsenal waxay la ciyaari doontaa kooxda Liverpool oo labadiisano ee tagtay
Finalka ciyaartay, mar ay qaaday iyo mar laga qaaday, waxayna kooxda funaanadda casaanka ay fursad u heshay kulanka ugu dambeeya
in ay ku ciyaarto garoonkeeda Anfield maadaama kulanka hore ay aadi doonto magaalada London oo ay marti ugu noqon doonto Arsenal.

Roma waxay Garoonka Olympico ee magaalada Roma kusoo dhaweynaysaa
kooxda Manchester United, iyada oo la xusuusto natiijadii fadeexada ee 7-1, waxana isha lagu hayaa maadaama kulanka labaad
uu ka dhici doono Oldtraford in ay dhacdo mid lamid ah 7-1 kii Roma ay kala kulantay safarkeedii Magaalada Manchester.

Schalke waxay la ciyaari doontaa kooxda Catlaniga ee Barcelona, iyada oo
fursadda Barcelona ay tahay iyada oo kulanka ugu dambeeya ee lagu kala baxayo uu ka dhacayo garoonkeeda Camp Nou ee Magaalada
Barcelona.

Kooxda Turkiga ee Fenerbahje oo ay taariikhda markii ugu horeysay ay tahay
oo ay u soo gudubto wareegaan waxay Istanbul ku marti galin doontaa kulanka hore Kooxda Chelsea, iyada oo kulanka dambena
uu ka dhici doono magaalada London
kulamada Semifinalka waxay u ciyaari doonaan kooxda ka timaada Arsenal,
Liverpool waxay sugayaan tan soo badisa Fenerbahje iyo Chelsea, kooxaha Roma iyo Manchester midii soo baxda waxay sugaysaa
in ay la ciyaarto Schalke iyo Barcelona mida soo baxda.
W.D Maxamed Yuusuf Axmed
Sweden.
================================================
Kooxda Manchester United ayaa kusoo dhawaatay Arsenel kadib markii ay 5-1
udhiibtay kooxda Newcastle oo ay ku boooqatay garoonkeeda "James park"
Man United oo umuuqatay koox ay ka go!antahay in
ay badiso marhadii ay ogeyd in ay Arsenel bareejo gashay ayaa awood kusoo bandhigtay garoonka Newcastle oo uu tababarahoodu
cusub Kevin Keegan qaabilay iyadoo aan badin Toban kulan halka ay 3 gool oo qura ka dhalisay lixdii
kulan ee ugu danbeeyay.
Labada xidig ee Rooney iyo Ronaldo ayaa ahaa
laacibiintii maquuniyay Newcastle kuwaas oo min laba gool kadhaliyay cayaartaasi.
Daqiiqadii 25aad ee qeytii hore ayuu Man United
goolkoodii koowaad usaxixay Ciyaaryahankooda afka hore Wayne Rooney waxaana ulabeeyay Cristiano Ronaldo daqiiqadii 45aad.
Markii dib la iskugu soo laabtay Qeybtii labaad ee cayaarta ayaa Newcastle muujiyeen dadaalo ay ku doonayeen in ay goolasha
isaga soo gudaan hase yeeshee waxaa gool 3aad ugu daray Cristiano Ronaldo oo daqiiqa 56 ka dhaliyay, hase yeeshee Newcastle
waxaa usuura gashay in ay dhaliyaan goolkoodii koowaad oo uu usaxiixay Ciyaaryahankooda kasoo laabtay Ciyaarihii qaramada
afrika Faye daqiiqadii 79aad hase yeeshee daqiiqad kadib ayaa waxaa u afareeyay Rooney oo ka dhaliyay daqiiqadii 80aad halka
uu ku qatimay daqiiqadii ugu danbeysay ee 90aad Ciyaaryahanka Saha waxaana ay cayaartaasi kusoo gabagabowday 5-1 oo ay guushu
ku raacday Man United.
Dhinaca kale Kooxda arsenel ayaa waxaa isbaaro udhigtay
kooxda Birmingham oo mudo 87 daqiiqo ah kula cayaarayay Toban nin kadib markii daqiiqadii 3aad kaarka cas lootaagay
kabtankoodii Martin Taylor.
Cayaarta waxaa saameyn weyn ku yeesheen dhaawaca soo gaaray ciyaaryahanka afka hore uga ciyaarayay arsenel Eduardo oo ka jabay
lugta bidix qeybta hoose kadib markii uu ku istaagay ciyaaryahanka la bixiyay ee Martin Taylor waxa ayna taasi
keentay in ay cayaarta taagnaato mudo daqiiqado ah.
Wararka ugu horeeya ee ka soobaxay jabka soo gaaray
ciyaaryahankaasi markiisii hore ku dhashay Brazil ayaa sheegaya in uu maqnaan doono inta ka dhiman horyaalkan iyadooba
loo maleynayo in uu xitaa seegi doono koobka Qaramada yurub oo ay usoo baxeen Xulkiisa Croatia.
Macalinka Arsenel Arsene Wenger ayaa aad uga xumaaday dhaawaca soo gaaray ceyaaryahankaasi isagoo ku
eedeeyay kabtanka Birmingham in uu si ula kac ujabiyay Laacibkiisa waxaase arintaasi ka biyadiiday maamulka Birmingham
oo ku tilmaamay in ay laba ciyaaryahan ay kubadi ka dhaxeysay ayna ka xun yihiin dhaawaca soo gaaray ciyaaryahankaasi da!da
yar.
Kadib markii cayaarta dib ubilaabatay Arsenel,
gool ayaaba looga hormaray oo daqiiqadii 28aad ee qeybta hore ayaa waxaa ka dhaliyay McFadden oo gool aad uqurux badan ee
Free Kick ahaa ka dhaliyay cayaartana kadhigay 1-0 inkastoo ay Arsenel muujisay dadaal badan hadana uma suura
galin in ay wax goolal ah dhaliyaan qeybtii hore waxaana lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineyso Birmingham.
Markii dib la iskugu soo laabtay qeybtii labaad ee cayaarta ayaa Arsenel oo kala maamuleysay cayaarta waxa ay weeraro isdaba
joog ah ku qaadeen goolka Birmingham waxaana usuura gashay in ay goolkoodii koowaad dhaliyaan daqiiqadii 49 aad kaasi oo uu
udhaliyay laacibkooda 18 jirka ah Walcott waxaana isla ciyaaryahankaasi uu sii nooleeyay rajada arsinal oo uu ka dhigay mid
gacanta ku dhigi karta 3da dhibcood kadib markii uu kubad oo meel dheer kasoo qaaday oo uu lasoo dhex maray ciyaaryahanada
Birmingham uu shuut ku daba mariyay Goolhayaha Birmingham hase yeeshee dhacdada arsinal ka nixisay waxa ay aheyd markii daqiiqadii
ugu danbeysay cayaarta laga dhigay rigoore kadib markii ciyaaryahankooda difaaca Clichy kubad uu sahashaday oo laga dafay
uu xirada ganaaxa gudaheeda wax ku jilaafay waxaana Rigooradaasi ka dhaliyay McFadden oo cayaarta ka dhigay mid dhibcaha min
hal loo kala qaatay.
Arsenal waxa ay hada hogaanka ku heysaa 64
dhibcood waxaana kasoo daba gatameysa Manchester United oo leh 63 dhibcood, Ciyaaraha kale ee maanta dhacayna waxa ay kooxaha
ukala badiyeen sidan.
Liverpool 3-2 Middlesbrough
Portsmouth 1-0 Sunderland
Wigan Athletic 2-0 Derby county
Fulham 0-1 Westham
WD: Yuusuf Axmed Nuur (Yuusufey)
Qaahira masar
yuusufay10@hotmail.com)
Wiiljacayl Online