WIILJACAYL ONLINE

Home | Bogga Diiniga | Maxaa cusub | Sawiro | Qisooyin

Macallinkii Jacaylka weeye wiiljacayl

Wiiljacayl waa wiilka ka shaqeeyay website kan isaga ayaana iskaleh Magaciisu waa Cabdilaahi Jawhar Cabdi wali waa dhalin yar oo ma guursan wuxuu ku nool yahay Dalka Ethiopia gaar ahaan Magaalada Jigjiga Ee Degaanka Soomaalida, wuxuu dhashay sannadkii 1982 wuxuuna ku dhashay Soomaaliya gaar ahaan Xamar, wuxuu ka shaqeeyaa hadda Meel farmasi ah uu isagu leeyahay iyo Meel Internet ahba wuxuuna aad u jecel yahay Gabadh aad u qurux badan oo magaceed aan halkan lagu sheegi karin sababa jira awgood. wiilkani waa wiil jacayl oo dhinaca jacaylka ku xeel tagay aan dhihi karo waa aabihii jacaylka shaqadiisa markii laga soo gudbo waxa uu ku dhex jiraa waa jacaylka iyo arrimihiisa

 Taariikhdiisa dhinaca jacaylka haddii aan ka yarehe hadalno:
Waxa uu jacaylka bilaabay isagoo aan qaan gaadhin wuxuuna degganaa Fiiq oo ka tirsan Degaanka Soomaalida ee Itoobiya wuxuu markaa jeclaaday gabadh yar oo markaa isaga ka yarayd muddo ayuuna jeclaa oo xidhiidh fiican ay lahaayeen, intaa kaddib wuxuu u soo guuray Harar oo ka tirsan Degaanka Herarida ee Itoobiya halkaas oo ay soomaali badani deggan tahay waxaa markiiba jacayl dhex maray gabadh ay isku xaafad gali jireen oo runtii qurux badnayd laakiin gabadhii waagii dambe waa laguursaday oo nin kale ayaa bay calaf isku yeesheen, wiil jacayl maadaama uu ahaa markiiba gabadh kale ayay iska barteen harar oo muddo ayay jacayl wada jilayeen intaa kaddib waa uu kasoo guuray harar oo wuxuu yimid Jigjiga oo hadda uu si rasmi ah ugu nool yahay waxayna iska barteen gabadh fiicnayd run ahaantii oo ay qaraabo ahaayeen muddo ayay jacaylka wada jilayeen laakiin markii dambe calaf isku maynan yeelan oo nin kale ayaa guursaday, gabadhan dambe in laga guursado isaga ayaa ugu wacnaa oo isaga ayaa iska fasaxay. 
Intaas oo dhan wiiljacayl waxaa u kor dhayay khibrad dhinaca jacaylka iyo gabdhahaba wuxuuna hadda si rasmi ah u jecel yahay gabadh ku nool qaaraddan Afrika imika iyo haatanna waa jacayl aabihii waana wiiljacayl.
Waxaa laga yaabaa dad badani inay is waydiiyaan tolow wiiljacayl nasiibkii ayaa xun oo gabadhii uu jeclaadaba waa laga guursadaa qaarna way kala tagaan, ma isaga ayaan caadi ahayn oo waxa lagu nacayo ayuu qabaa? jawaabtu waa maya oo ma jiro wax lagu nacayo ee gabadh kastaa oo ka mid ah gabdhahaas iyada ayaa daacadnimo ula socon wayday wiiljacayl iyada ayaana axdigii ka baxaysay markaa bur burku wuxuu ka imanayay dhinacooda ee ma ahayn dhinaca wiiljacayl. 

Waxaad kala soo xidhiidhi kartaa Cabdilaahi Jawhar Cabdi  Tel: 00251257756767 Jigjiga Ethiopia ama P.O.Box 855 Jigjiga Ethiopia
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Wiiljacayl Online wiiljacayl@hotmail.com Webmaster: Abdilahi Jawhar Abdi