WIILJACAYL ONLINE

Home | Bogga Diiniga | Maxaa cusub | Sawiro | Qisooyin

Wixii cusub caalamkaa jecel

DHACDOOYIN DHACAY MAXAAD KA TAQAAN?

TIX CUSUB OO GABAY AH OO UU NOO SOO DIRAY SAAXIIBEENNA KOOWAAD EE BOGGAB ARRIMAHA JACAYLKA
BY: C/XAFIID BASHIIR SH. CUMAR (MAALIISIYA)
 

Qaaliyey xaadsaney

Xuuralcayn la moodyaay

Laabtayda xarunteeda

Xubbi iyo xiisa iyo

Xaraarad kalgacayliyo

Xummad aan xanuun lahayn

Xasilooni kusoo xaadirtay

Xalay ma seexan waayey

Xisaabti ma igu adkaatay

Xidigahoo idilna ma tiriyey!!

Xalkii xilli dambe ma helay

Xadhigaan kuu soo tuuray

Xabiibti ha xoorinoo

Xoogna ha u jiidin...

Xaakimka kaligiiya

Xaraf baan waydiistey

Inaad xariir aan huwado

Iyo xilo aan xanaaneeyo

Xaas xushmad leh ii noqoto...

AROOSAD LA WAAYAY  HABEENKII LA AQAL GEYN LAHAA

Gabar aanan magaceeda helin oo deggan Suuq Bacaad ayaa xiligii galbinta aqal geynteeda oo ku beegnayd sabtigii la soo dhaafay dhuumatay.

Gabadhan oo uu aroosayay wiil lagu magacaabo C/llaahi Maxamed Siyaad ayaa sida uu inoo soo sheegay wariyaheena Xasan Cali Geesey (Al-qeys) waxay ku andacootay in ballanqaad dahab loogu iibinayo uu wiilkii guursanayay uu uga baxay, Baabuurtii lagu doonayna iyagoo faaruq ah ayayna iska kala tageen, laakiin habeenkii ku xigay ayaa la soo caro celiyey oo loo galbiyey gurigeeda.

 

WIIL & GABAR IS MASAAFAYSTAY OO ISKU KHILAAFAY GOOBTII MEHRINTA

Wiil & gabar Masaafo u aaday degaanka Wanlaweyn ayaa markii ay tageen goobtii Mehrinta isku khilaafay qiimaha meherka gabadha, sidaana waxa ku fashilmay meherkii ay u bexeen oo iyagoo is khilaafsan ayuu mid waliba Bas goonidiis ugu soo raacay Muqdisho.

Gabadha oo lagu magacaabo Xalaawi Cumar ayaa wiilka Masaaf-aystay oo isna la yiraahdo Cabdi Daahir ku xujeysay inuu meher uga dhigo dhowr Garaam oo dah-ab ah, isaguna wuxuu sheegay in uusan awoodin sidaas ayayna ku kala boodeen.

Warkan oo aan ka helnay Wiil lagu magacaabo Xasan Maxamed Max-amuud oo gabadha xiriir kala dhe-xeeyay ayaa sheegay in wiilku uu gabadha ka baloogay isla mar-kaana uu been u sheegay, balse xaqii uu ka soo baxay.

WIIL TOOREY KU DHAAWACAY GABAR UU XIRIIR LA LAHAA…

Wiil lagu magacaabo Abshir Amoore oo degan degmada Yaaqshid ayaa gabar uu xiriir la lahaa oo ballantii uga baxday toorey u dhaawacay.

Sida uu inoo soo sheegay wariyaheena Liibaan Maxamed Cabdi (Baastey) wiilkaas ayaa waxa gacanta ku soo dhigay Odayaasha degaanka oo ku soo xiray saldhiga Yaaqshid.

Wararkii ugu dambeeyayna waxa ay sheegayaan in shalay la soo daayay wiilkaa kadib markii Odayaasha labada reer ay wada xaaleen.

Dhinaca kale Wiil lagu magacaabo Xasan yare ayaa Walaashii Toorey ku dhaawacay kadib markii ay ka diiday inay ka harto wiil uusan isaga la rabin, sidaana waxa inoo soo sheegay wariyaheena Black yare

Haweeney guriga ku gubtay Ninkeeda

Haweeney lagu magacaabo Seynab Xaaji ayaa xaafadda Buulo-eelaay ee magaalada Boosaaso guri ay ka deganaayeen ku gubtay nin ay qabtay oo ay ka maseyrtay, ninkaasoo haatan xaaladdiisa laga deyrinayo. Gabdho Jacayl aan loo ogeyn isku dagaalay Gabar lagu magacaabo Xamdi Maxamed oo biibito ku leh xaafadda Tabakaayo madow ee degmada Madiina weerar ku soo qaaday gabar kale oo iyana aagaas Biibito ku shidata. Sida uu inoo soo sheegay wariyaheena C/risaaq Jaamac Cilmi (Black yare) gabdhahaas ayaa dagaalkoodu ka bilowday wiil lagu magacaabo C/qadar oo biibitooyinkaa midba mar ku qayili jiray oo gabar waliba ay sheeg-anayso inuu iyada Jacayl kala dhexeeyay, laakiin C/qadar uu taa beeniyey isagoo xusay inuu Xaasle aan arrimahaas u soo jeedin yahay.

Aroosad diiday in loo galbiyo gurigii la aqal geyn lahaa

Gabar aroosad ahayd oo lagu magacaabo Hani C/llaahi ayaa Jimcihii la soo dhaafay diiday in aqalkii loogu talo galay oo ku yaalay xaafadda Xoosh ee degmada Madiino loo gelbiyo kadib markii ninkii guursanayay oo dhaqaalo aan heysan uu u dhigay Labo sariir oo biro ah & miis maacuunta la saarto. Gabdho la dhashay & kuwo saaxiibo la ah oo intii aan gabadha guriga la geynin soo booqday qolkeeda ayaa ku wargeliyey in alaab wacan aan loo dhigin, iyana waxay codsatay in la furo, balse markii dambe waxaa lagu maslaxay in guri gabar kale u sharaxnaa la sii geeyo inta alaabada laga bedelayo. Ninkii aroosayay oo la yiraahdo Liibaan C/raxmaan ayaa la sheegay in guri uu ku lahaa xaafadda Xoosh uu jiingadaha ka fiiqay kadibna ugu soo iibiyey alaab wareeg ah, sidaana labo habeen kadib gurigeedii lagu keenay gabadhii.

Nin feeray Xaaskiisa & Hooyadeed

Nin lagu magacaabo Diiriye C/hi oo degan xaafadda X/jadiid ayaa isagoo xaaskiisa dilaya ay Hooyadeed soo kala dhex gashay kadibna Hooyadii ku daray oo iyana dilay. Wariyaheena Yuusub Abiib Cus-maan (Y/xabeeb) ayaa inoo sheegay in arrintaa ay dad deris ah soo dhex galeen balse markii maalmo ay ka soo wareegatay ayay naagtiisii saliid karkarsan ku gubtay iyadoo ka aarsanaysa falkii uu ku sameeyay iyada & hooyadeed. Geeri waali sababtay Haweeney lagu magacaabo Sahro oo degan xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa waalatay kadib markii ninkeeda uu geeriyooday. Jacayl ay u qabtay dartii ayaa la sheegay in waalidu sababtay, iyadoo dharka tuuratay afkeedana laga masixi waayay Axmad..Axmed oo magaca ninkeedu ahaa, wax-aana haatan lagu wadaa Qur’aan saar, habeenkiina waxa lagu hurdiisayaa irbada hurdada.

 

haye.gif
Jacaylkaaga ugu dadaal Hadyadaha iyo waxyaabaha soo jiidashada leh

Maxaa soo jiidasho leh

Waxaa jira waxyaabo badan oo soo jiidasho leh micnihii aad qalbiga qofkaad jeceshahay aad ku kasban kartid waxaana ugu muhiimsan : Saacad qurux badan, Fargashi waxaa soo raaca waxyaabaha ismaris ka ah sida kiriimyada iyo cadarka


Haweeney Mataano ay dhashay dayacday iyadoo ku xumeynaysa Ninkeeda (mid ka mid Ilmahaa oo Ey uu cunay)

Haweeney lagu magacaabo Qureesho oo uu qabay nin la yiraahdo Jeelle X.Salaad ayaa iyadoo uur leh uu ninkeeda ka dhuuntay kana raacay Haweeney kale oo qarsoodi uu ku qabay oo Sacuudiga ay isla aadeen.

Haweeneydaas oo markii ninkeeda ka dhuumayay uur lahayd ayaa markii umushay labo Mataano ah (Wiil & gabar) laakiin si maangaabnimo ah iyadoo ninkeeda ka dhuuntay ku xumeynaysa isla markaana uu

cudurka Maseyrka asiibay mid ka mid ah ilmihii uga dhuumatay Mukayga Afgooye, midkii kalena haweeney kale oo is yaqaanaan inta u dhiibtay uga dhuumatay.

Sida ay inoo soo sheegeen dad la qaraabo ah Haweeneydaa Canugii ay Mukayga Afgooye uga tagtay waxa cunay Ey, midkii ay naagta uga dhuumatayna iskiis ayuu bilo kadib u dhintay.

Wiil gabar muddo uu jeclaa jacaylka ku cidleeyay oo jiro mucjiso leh ay ku dhacday

Wiil magaciisa naloogu sheegay Sanweyne oo ka mid ah shaqaalaha mid ka mid ah warshadaha yaryar ee Muqdisho ka dhisan ayaa gabar muddo badan Jacayl kala dhexeeyay oo u baxday degmada Ceelbuur inta uu fasax qaatay ka daba tagay, kadibna reerkeeda oo ay qaraabo ahaayeen ku wargeliyey in isaga & gabadha ay isku ogaadaan oo Xamar uu kula aqal galayo, kadibna ay ka ogolaadeen.

Markii la isku soo daray oo Gaariga ay isla soo raaceen ayuu inta Gaarigii uu ka haray wiil Saaxibkiis ah gabadhii soo raaciyey kadibna uu ka dhuuntay, mar ay Muqdisho ka soo baadigoobtayna wuxuu u sheegay inuu ballantii uga baxay oo wiil kale ay raadsato, laakiin maalmo kadib ayay gabadhii ka dul hadashay oo habeen & maalin ka dul qeylinaysay, waxaana markii dambe la saaray Qur’aan. 

Gabar laga soo musaafuriyey dibadda oo wacdaro layaab leh Hooyadeed ku dhigtay…

Gabar la yiraahdo Shamso Maxamed Axmed oo dhawaan reerkeedu ka soo musaafuriyeen dibadda iyadoo looga baqay inay dhqanka gaalada qaadato ayaa markii ay Muqdisho timid, Hooyadeed oo ka daba timid oo rabtay in gabar ka yar ay dibadda u waddo iyaduna ka codsatay in la wado, balse waxa loo sheegay in sababtii loo soo celiyey ay meesha ku jirto, balse wacdaro layaab leh ayay ku dhigtay Hooyadeed oo waxay ka xaday 3-kun doollar iyo Dokomentigii dhoofka, waxayna u  baxsatay  dalka  Masar  oo ay

haatan ku sugan tahay, Hooyadiina ay dhoof & lacagba  la’dahay.

Gabar uu dhalay Madaxweyne Bush oo la ildaran Jacayl Muslim ah

Barbara Bush oo ah gabadh uu dhalay madaxweynaha dalka Mareykanka George Bush ayaa la ildaran Jacayl ay u qaaday wiil Muslim ah oo la yiraahdo Jamaal Muciim.

Barbara oo sida sawirka bogga koowaad ka muuqda ku lamaansan gacaliyeeda Muslimka ah ayaa qoyskeeda & dadka Mareykanku ka deyrinayaan Jacaylkeeda oo ku soo beegmay xilli Mareykanku duulaan ku yahay dunida Muslimka oo uu u aqoonsan yahay argagixiso liddi ku ah Mareykanka.

Dhacdadan & sawirkaba oo aan ka soo xiganay wargeyska AL-WASAD ee ka soo baxa London ayaa waxaa lagu macnayn karaa Jacaylka inuusan ku imaan dhalasho, Jinzi, diin & arrimo kale.

14-JIR GABAR UU MASAAFAYSTAY DOOD KA TAAGAN TAHAY

Wiil 14-jir ah oo lagu magacaabo Liibaan Nuur Axmed oo degan xaafadda Tawakal ee degaanka Gubta ayaa gabar uu masaafaystay lagu heystaa.

Gabadha oo lagu magacaabo Foos Muxidiin ayaa waalidkeed oo masaafada lala galay ka war helay waxay ku doodeen in wiilkaas yarka ah uusan geynin gabadhooda, ayna ka codsadeen inuu u furo.

Foos & Liibaan oo qadka isgaarsiinta telefoonka isku bartay ayaa jacayl isugu qaaday leynka telefoonka, waxaana haatan dood arrintooda ku saabsan ay u socotaa waalidka labada dhinac.

 

 

NIN GURI UU KIRO  UGU JIRAY GUUR BADNI DARTII LOOGA SAARAY

Nin aanan magaciisa helin oo deganaa agagaarka Warshaddii hore ee Caanaha ee magaalada Muqdisho   ayaa   guri  uu ijaar ugu deganaa si qasab ah looga saaray.

Sida aan ka soo xiganay Milkiilihii gurigaas Maxamuud Abtidoon Ninka guriga laga saaray oo ahaa Waddaad dhalinyaro ah oo gurigaasi deganaa muddo saddex sano ah sababta looga saaray ay tahay muddadaas oo 11-naagood oo uu gurigaas ku soo guursaday uu saddexdaas sano gudahood furay, furiinkiisaa badan darteedna looga saaray guriga


Wiiljacayl Online wiiljacayl@hotmail.com Webmaster: Abdilahi Jawhar Abdi