Beerta Xuriyadda waa College Caafimaad oo ay ku xareesan yihiin Wilal iyo Gabdho
badan oo Soomaali ah, waxaana magacan Beerta Xuriyada u bixiyay wiil Soomaaliyeed kaddib markii uu u bogay Gabdhaha gala xeradaas
oo uu arkay dhalin badan oo xeradaas oo haasaawe tagaysa.
Xeradan Beerta Xuriyada ayaa waxaa ku nool gabdho iyo wiilal badan oo
heerka tacliinta meelo kala duwan maraya, waxaana halkaas habeen walba u haasaawe taga dhalin gaadhaysa ugu yaraan labaataneeyo
oo isugu jira wiilal iyo gabdho.
Xeradan oo Ku taalla cidhifka Magaalada Jigjiga ayaa waxay dhalin yarta u haasaawe
tagtaa ay tagaan habeenkii, halkaas oo ay kula kulmaan qof kasta rafiqisii, iyadoo ay sidaa tahay haddana xeradu waxay leedahay
Waardiye ama Waashmaan ilaaliya, siiba Qaybta Gabdhaha waxay leedahay waardiye u gaar ah oo kala ilaaliya wiilasha iyo gabdhaha
wakhtiga habeenkii, oo mar haddii ay habeen gaadho lama oggola wiil iyo gabadh inay ku kulmaan xerada dhexdeeda xitaa haddii
ay ardayda ka mid yihiin,waana midda kaliftay inaad aragtid lammaanayaal isla taagan meelo ka baxsan xerada.
Dhalin yarta ku jirta xeradan ayaa isugu jira kuwo sheeko badan iyo kuwo
aamusan. ninba sida uu dabcgiisu yahay, Marka aad u gashid Qaybta gabdhaha waxaad la kulmaysaa soo dhawayn aad u sarraysa
iyadoo gabadh kastaa oo xeradaas gasha ay leedahay soo dhawayn iyada gaar u ah. matalan gabadhaha xerada gala qaar waxay kugu
soo dhawaynayaan Sharaab noocyadiisa kala duwan, qaarna sheeko macaan oo wakhtigaba kaarida ayay kugu soo dhawaynayaan. Haddaba
xeradan ay dhalin yartu ula baxeen Beerta Xuriyada ayaa u qalanta magacaas waxaana garan kara qofkii tagay xeradaas oo arkay
dhalin yarta ku nool
Wiiljacayl Online
|