Maalinta Jacaylka Adduunka 14 Feb

fiicane.gif

Maalinta Jacaylka Adduunka

Jacaylka iyo bulshada Somalida

Iyadoo ay tahay maanta maalintii jacaylka ee 14 febraayo. Waxaan
jeclahay inaan halkan ka salaamo inta wax jecel iyo inta la jecelyahay.
Waxaan kaloo salaamayaa inta wax jecel ee iska qarsanaynsa ee hoos u
leh alla ayaa yaa usheega, yaa ogowsiiya, iyo inta kale qarsoodiga loo
jecelyahay ee iyagu laxdaba ka xog la.

Hadaba hadaad iswaydiiso waa maxay jacaylkan la sheegaa? Jacaylku waa
dareen diiran oo aad uhayso qof ama shay aad jeceshay. Waana cakiska
waxaad necebtahay. Qofku marka hore mar haduu qof muslim ah yahay waxaa
ugu xaq weyn inuu jeclaado ilaahay ( SWTC) abuuray ee dunida keenay iyo
rasuulkiisii mohamud ahaa ee uu doortay.

Marka taas laga yimaadana waxaa kaloo qofku jecel yahay waalidkii
dhalay, walaaladiis, caruurtisa( hadii ay jiraa) iyo dadka kale ee
qaraabadiisa ah, waxaa kaloo qofku kal gacayl uhayn karaa qof madax ah
oo ah hogaamiye diineed, siyaasadeed ama dhaqameedba. Qofku wuxuu kaloo
jecal yahay waddankiisa iyo degmadu uu ku nool yahay.

Waxaad kaloo xidhiidh aan ku tilmaami karno nooc jacayl ah ama kal gacal
ah uhaysaa asxaabtaada, dadka aa wada shaqaysaan ama isku jimciyada ah
ee aa urur kuwada jirtaan sida ardaageenan Forumka oo kale. Taas oo
hadii aan xidhiidhkaasi jirin aanad ka tirsanaateen ardaaga.

Qofkuna siyaabo fara badan buu wax u jeclaan karaa oo ku xidhan
dhaqanka iyo caadada ay bulsho leedahay iyo degaanka qqofkaasi ku
noolyahay.
Waxaa jira in jacaylka loo tarjunto siyaabo fara badan oo kala duwan.
Tusaale ahaan waxaad odhankartaa dabeecada uu leeyahay qof aa isku jinsi
tiihiin sida lab -lab ama dhedig-dhedig markaas dhaqanka somaliga kaasi
maaha jacaylka dhabta ah ee kal gacal baa la yidhaahdaa. Jacaylka dhabta
ahina waa ka dhexmara laba qof oo kala jinsi ah sida wiil iyo gabadh.

Jacaylku waa dareen ku abuurma labada qof ama midkood, kaasoo ku
bilaabma si qunyar qunyar ah ilaa uu gaadho heerka usareeya. Jacaylka uu
qof qudhi jecelyahay qof kale oo ah mid maraya jid hal dariiqo ah oo
ahayn dariiqa laba haad ah, taas oo laga yaabo in laba qof midna jacayl
udhimanaayo ka kalana uu laxdaba ka xog layahay. Ama uu og yahay ee aanu
wax dan ah ka lahayn isagu oo laguba yaabo inuu aad uneceb yahay qofkaas
jecel. Jacayl qof jecel yahay qof kale waxaa laga yaabaa in hadii aanu
kale raali ahayn oo mid ka talaabo xadka udhexeeya jeclaha iyo la la
jeclaha ay sababi karto nebcaansho aan xad lahayn ee keeni kara
aflagaado, hujuum, iyo gacan kahadal, taas oo jacaylkii isu badalo
nacayb iyo colaad.

Waayo? Dadku isku baahi iyo xiise maaha, baahida jacayl ee mid waxaa
laga yabaa in ka kalena uu arko hujuum shakhsi iyo sharaf darro.
Waxaa kaloo jira jacayl laba qof is jecel oo si isku mid ah isu jecel
ama isu dheeli tiran, waana kaas ka muhiimka ahi ee had iyo jeer laga
hadlaa.
Waxaanan umalaynayaa Somalidu waxay ka hadasho waxaa ugu badan jacaylka
, hadii aad ufiirsato suugaanta Somalida waxaad arkaysaa in 70% ay ka
hadlaan jacaylka gaar ahaana dhinaca heesaha markaas aan bal tusaale
usoo qaadano kuwan:-

JACAYL KALA AWOOD WEENE, KII IILKA DHIGAY QAYS
LAYLANA AGSEEXSHAA ANA IGU ABUURMEE
OGOW NAFTAAN KU OMAAN ADIGEE, IMMISA ADOO KALE
ARJI IILA TIMIYOO, OOFIN MAAYO AAN ADHI
AWADAA UJOOJEE.--------------------?

JACAYLKII XAQA AHAA XAGEE BUU MARYAA OO LOOGA XERODHIGAY

INUU JACAYL WAX JIRA YAHAY NIMUU HELAYNA JIRIBAN YAHAY--

JACAYLKAAN QABRIGA UQODEE KU TOMIYEY UBAXEE
KU AKHRIYEY QURAANKEE NAF KA QUUSO MIYAA

JACAYL AAN LAGULA WADIN WAKHTIGAAGA YUU LUIMIN

LAQANYADA JACAYLKUBA LIRKA CAASHAQA KULULAA\
RUUXAAD ULOHATAYOO KUGU LAADAY BA,ANAA

BI,I WAA JACAYLOO BOOGAN AAN HADHAYNOO
CIDI BAANAN KARINOO BEERKA IYO WADNAHA
IYO BOGA KAAGA TAALIYO INUU YAHAY
BIR CAASHAQU BEEN BEEN BAAN BAAN UHAYSTEE

IYO KUWO KALE OO BADAN.

Waxay ilatahay intaas hanbelyo jacayl iyo hordhac suugaaneed dhex ee
bal hadana aan idiin dhufto xagaas qardo jeex kale tolow muxuu ina
cabdillahi ka yidhi jacaylka . Iyadaanan kugu raajin jawaabta bal horta
Qarni kow dhex iyo kuwo kaloo badan.

QARNI,

Maansadan Qarni oo soo baxday 20 april 2000, waxay igu soo dhacday
markii wiil dhalinyaro ah oo asxaabtayda kamid ahi ii sheegay inaanu
xiisayn maansooyinkayga sababtoo ah buu yidhi waxaan ka hadlaa had iyo
jeer wax yaabo cul culus sida siyaasada oo kale. Wiilkan oo ah mid mid
da' yaroo dhalinyaronimo awgeed dhinacyada xiirtay, waxaa uu iga
codsaday inaan bal aan dhinaca jacaylkana aanan ilaawin ee bal isna aan
xuso.

Waxaana aan sheegay in aan ka hadlo waxa aan anigu xiiseeyo, qof
walibana uu ka hadlo wuxuu isagu xiisaynayo, waxaan kaloo xasuusiyey
inaan dhinacaa iyo hawlaha caashaqa, aan ka fadhiistay sida uu
Beellihii Brasil uga fadhiistay ciyaaraha. Waxaa seh isla markiiba ila
noqotay bal inaan mar ka hadlo dhinaca jacaylka. Wiilka laftiisii baan
waydiiyey inuu qiso ii sheego aan ka sameeyo maanso. Waxaanu ii sheegay
in intii aanu soo dhoofin ee dalkii joogay ay is jeclaayeen gabadh ayna
isku ogaayeen inay is guursadaan laakiin nasiib darro uu dagaalkii
sokeeeye dhacay, dabadeedna midkoodba jihadii qabiilkiisu u qaxay uu
qabtay, dibna laysu arag. Waxaanu sheegay inaanu wax warah ka helin
Qarni islamarkaasna aanu ogayn inay nooshahay iyo inkale. Waxaanu ii
raacshay inaanu guursanayn ilaa inta uu ka ogaanayo in Qarni nooshahay
iyo in kale, waxaana ka muuqatay wiilka murugo badan markuu arrinta ii
sheegayey. Dabadeedna waxaan usameeyey maansadan hoose.

maxaabaan hordhaca kuuug harraadin, horta maabaan heesta kugu horo.

Wuxuu yidhi:-
--------------------------------------------------------------------------------\
-----------------------------

Qalbigaa iqoonma
markaan qarni xasuustaba
qarnigii horaan qarni
kala dhaqaaqnoo
qabtii dhacdaa nakala qarisoo
midba jiho gaara u qaxee
qoraxdii soo baxdaba qaraam
ducooyinaan uqaadaa Qarniye
Qarni qaayaheeda maanso
Kuma koobi karo'e

Qoorteeda dheeree cabaadhyaha
garaaraha sidii qalinka lagu dhigay
quruxdeeda laafyaha markay jalaq
kasiisaa lagu qiyaas qalanjo ugube
qor qoriinshaha wajigaad
haldhaa dhalaan ah moodaaye
qosolkiyo farxaduu daayin
qarni qaybta u siiyee
qaadirkuu ku manaystaa
laguwada qadariyaa
sidii geenyadii bureeqaa
quruxdeeda gaarka ah
dadku kawada qisoodaa
Qarni waygu dheertoo
quruxdeediyo qaayahiyaha
ma qiyaasi karaayee
Qalbi taharriyo Qoolcaday
iyo qooriga Qurulugud
qarni ka baadi gooboo
quus baan kajoogaa

Inta baxda wargeysyada
qoraalaan ufidiyoo
farriimana u dhiiboo
quus bay ka keeneen

aniguna rogaal celin
sidii wariyaha soonaan
Laan qayrta casee
Dunidaan raacdeeya aan idhi
Qaarada adduunka Qarni
halkay ku nooshahay


Oomatadii kasoomoo
biyo qabow kolay tahay
ceeshkii la quutiyo
hurdadaba kasaahiday
waagii beryiyo qorraxdii
iftiintaba, qarni inaan la
joogaan qalbigayga geliyaa

Inta shiikh shariifiyo
igu akhriday quraanee
dhakhaatiirta dunidiyo
culimadaba showroo
garan waayee camalkaas
cidladaas ijoojee

Qalbigaa I qoonma
hadalqaadka qarniye
caynkeeda oo kale
carro edegta kuma arag
qoom aynaan arag bay
qarni ina gala joogtaa
gabdhaha qayrkeedoo idil
hadii qayb la isiiyana
kuma qancancaaye

Qarni qoyskay ka dhalatay
hadaan fariimo u diranlaa
ma aqaan qalcadday ku noolyiin
qoomiyada Soomaaliyeedo
qaranada midoobaan qaylo
dhaan udirayaa, baadi gooba
leeyahay halka qarni ku nooshahay

Aniguna ma quustee boodhari sidiisaan
Qiiraysanahaye, qasdigayga eegoo
i lawada qorsheeyoo, qarni quus baan
Ka joogaa, ma qanac baa ileediin?

WIILJACAYL ONLINE
Waa Wehelkaaga Arrimaha Jacaylka

dance1.gif

Nagala soo xidhiidh
 
 

info@service.com

Please get in touch to offer comments and join our mailing list.

Magacaaga
Cinwaankaaga
Fikirkaaga
  

WIIL JACAYL ONLINE JIGJIGA ETHIOPIA