Jacaylka iyo qaybihiisa

Welcome!

WAANOOYINKA HABEENKA AROOSKA AH

Illaahay ayaa mahadleh, illaaha wax kasta ka dhigay lamaane guurkana ka yeelay sune kana dhigay aayadaha illaahay ayad ka mid ah, Nabi Maxamed N.N.K.H iyo dhamaan cidii xaqa ku raacday ilaa maalinta qiyaamaha.

Maxaa ka wanaagsan guurka islaamiga ah kaas oo wata kalgacayl iyo naxariis illaahay (SW) waxa uu yidhi “Aayada illaahay waxa ka mid ah in uu nafihiina ka abuureyey la maanayaal si aad ugu degtaan dhexdiina ka yeelay naxariis iyo kalgacal taasina waxay calamad u tahay kuwa fikiraya” [ruun-21]

Maxaa ka wanaagsan labada qof ee is guursaday iskuna guursaday sharciga illaahay (SW) waxa uu isku soo dhoweynayaa qaluubtooda, illaahay (SW) waxa uu yidhi “Hadii aad ka baqato in aad cadalad sameyn weydo agoomaha waxa aad guursataa wixii idin fududaada ee dumar ah laba sadex afar hadii aad ka baqataan in aad cadalada u sameyn weydaan mid iyo wixii ay gacmihiinu hantiyeen taas ayaa u dhow in aydaan xadgudbin” [Nisaa-3]

Illaahay (SW) waxa uu diiday guurka in la jaro qofka oo awooda illaahay (SW) waxa uu yidhi “Dadkii illaahay rumeeyow ha iska xaaran-timeynina wixi illaahay idin xalaaleyey hana ku xadgudbina illaahay ma jecla kuwa xad gudba” [almaa’id-87]

Guurku waa dariiqi anbiyada iyo rasuusha illaahay (SW) waxa uu yidhi “Hortaa waxa aanu soo dirnay rasuul waxana u yeelnay dumar iyo qoysas mana haboona rasuul in uu la yimaado ayad illaahay ogalaanshihiisa mooyane wax kastana hida ayey leeyihiin” [Alracad-38]

Hadaba qofka diida guurka ee nacaba waxa uu khilaafay sunihii rasuulka (CSW) waxana uu weydaartay dariiqi nabiga, waxa uu yidhi Rasuulkii illaahay (CSW):-Aniga miyaa illaahay baan ku dhaartee aniga ayaa idinku cabsi badan oo idinka alle baqad badan hasa yeeshee waan sooma waan afuraa waan tukadaa waan seexdaa dumarkana waan guursadaa qofka diida sunahaygaa igama mid maaha. Waxa weriyey Muslim Iyo Bukhaari

Rasuulku (CSW) waxa uu yidhi:-Mushtamaca dhalinyarada ahow qofkii kari kara guurka ha iska guursado isagu araga ayuu u fiican yahay xubinta taranka waa uu u dhowrsi badan yahay, qofkii awoodi waaya ha soomo soonkasina waa u gaashan. Waxa weriyey Muslim iyo Bukhaari

 

Guurka Sharciga ah:

Hadaba si ay u dhawowdo kalgacaylka iyo naxariista ka dhexaysa labada is qaba waxa laga maarmaan ah in uu u dhaco guurkoogu sida ugu wanaagsan ee ku dhisan diinteena islaamka ah waana sidan soo socota.

1- Doorashada guurku waa lagama maarmaan waana in qofka lagu doortaa diintiisa Nabigu (CSW) waxa uu yidhi:-Gabadha waxa lagu guursadaa afar, xoolaheega, qabiilkeeda, quruxdeeda iyo diinteeda, hadaba ta diinta leh ku carar gacmahaaguna ha boodhooben. Waxa weriyey Muslim Iyo Bukhaari, Sidoo kale Nabigu (CSW) waxa uu awood siyey in ay iska eegan dadka loo soo geed fadhiisanayo ninka gabadhooda doonayaa in uu yahay nin diinleh dhaqan wanaagsana leh Nabigu (CSW) waxa uu yidhi:-Hadii uu idin yimaado qof aad diintiisa iyo dhaqankiisa aad raali ka tihiin u guuriya, hadii aad sidaa aad sameyn weydaan waxa dhulka ka dhici doona fidno waxana iman doonta foolxumo. Waxa weriyey Tarmiidi
 

2-Guurku waa iyadoo la doorto meel sharaf leh Nabigu (CSW) waxa uu dhiiro geliyey in la guursado dadka wanaagsan hablahooga, waxa laga weriyey Nabiga (CSW) in uu yidhi:-Waar waxa aad idinka digayaa gabadh qurux badan oo ka dhalatay reer xun waxa ay yidhaadeen rasuulkii illaahayow waa maxay gabadhaasi waxa uu yidhi rasuulkii illaahay waa gabadha wanaagsan ee ka soo dhex baxday meel xun. Waxa weriyey Daarqudni
 

3-Waxa la door biday guurka hablaha bikirka ah islaamku waxa uu dhiira geliyey in uu qofku doorto gabadh bikir ah Nabiga illaahay (CSW) waxa uu yidhi:-Waar wax aan idinku adkeynayaa hablaha bikirka ah iyagaa ugu macaan uguna hadal wanaagsan uguna naxariis badan iguna shirqool yar raali gelintooduna fududahay. Waxa weriyey Ibnu Maajih
 

4-Waxa la door biday sidoo kale gabadha dhalmada badan leh Nabigu (CSW) waxa uu yidhi:-Waar guursada gabadha dhalmada badan leh, kalgacalka badan leh anigu maalinta umadaha kale ayaan idinka tirshasho badanayaa. Waxa weriyey Abu Da’uud
 

5-In la iska eego gabadha loo geed fadhiisanayo islaamku dadka waxa uu ku dhiiro geliyey in la iska eego gabadha loo geed fadhiisanayo si loo garto quruxdeeda looguna horo maro in la guursado. Waxa u geed fadhiistay gabadh Muqiira Binu Shucba Nabiga (CSW) ayaa ku yidhi:-Waar iska eeg waxa uu ku yidhi Rasuulkii illaahayow maya Nabigana waxa uu ku yidhi:-Iyadaa u wanaagsan in uu sii jiro kalgacalkiinu. Waxa weriyey Tarmiidi
 

Xaqa uu ninku gabadhiisa ku leeyahay: Waa in ay adeecdo una ilaaliso nafteeda iyo xoolihiisa waana in ayna guriga ka bixin isagoo u ogalaan, Nabigu (CSW) waxa uu yidhi:-Qof muumin ahi kama faa’iidaysto alle ka cabsiga dabadeed wax ka khayr badan gabadh wanaagsan… hadii uu amro wey adeeceysaa, hadii uu eegona wey farxad gelinaysaa, hadii uu cananato wey wanaajinaysaa, hadii uu ka maqnaadona wey ilaalisay nafteeda iyo maalkeeda. Waxa weriyey Ibnu Maajah

Xaqa gabadhu ay ku leedahay ninkeeda: Waa in uu si wanaagsan ula dhaqmaa siiyana biilka iyo meesha ay gelayaan, waa in uu cadaalad sameeya dumar mid ka badan Nabigu (CSW) waxa la weydiyey Xaqa ay gabadhu ku leedahay ninkeeda waxana uu yidhi:-Waa in uu quudiyaa marka ay cunto uga baahato, waa in uu huwiyaa wax marka ay uga baahato, waa in aanu wajiga ka garaacin, waa in aanu caayin, waa in aanu gurigiisa ka dheeran. Waxa weriyey Abu Da’uud

Habeenka la helay nolosha fiican: Taariikhdu waxa ay inoo sheegaysaa in ninka la yidhaa Shariix oo uu la kulmay Shacbi maalin Shacbi ayaa weydiyey xaalkii reerkiisa Shariix ayaa ku yidhi Labatan Sanadood gurigayga kumaan arag wax I cadho geliya Shacbi ayaa yidhi sidee ayey arinkaasu ku dhici karaa waxana uu ugu jawaabay habeenkii ugu horeysay aan u soo gelay gabadhayda waxa ay ahayd gabadh yar oo wanaagsan oo qurux badan waxana aan nafteydi ku idhi waa in aan laba ragcadood aan tukadaa oo aan illaahay ugu mahadnaqayo markii aan salaadi ka baxay waxa aan arkey gabadhaydi oo tukanaysa iyaduna markaaba ka baxday, markii ay gurigii ay ka tageen asxaabtaydi xageedi ayaan u dhaqaaqay gacmahaygina waan u fidiyey waxa ay igu tidhi is deji Abu Umayow dabadeedna waxa ay igu tidhi:-Illaahay ayaa mahadleh isagana u mahadnaqayaa kaalmaysanayaana Nabi Maxamed N.N.K.H intaa ka dib anigu waxa aan ahay gabadh guriga ku cusub dhaqankaagana waxba kama garanayo ii cadee waxa aad jeceshahay in aan sameeyo, iina sheeg waxa aad necebtahay ee aan iskaga tago, reerka tolkaa waxa ku jira gabadh kuu dhiganta sidoo kale tolkay waxa ku jira cid ii dhiganta laakiin hadii uu illaahay arin doono uu fuliyo sidaa uu ugu tala gelay ayey u socotaa, illaahay arinkayga adiga ayuu gacanta kuu geliyey waxa aad samaysaa wixii uu illaahay ku amray, waa in aad wanaag ugu haysataa anba aad wanaag ugu sii deysaa hadalkaygina waa kaa illaahay denbi dhaaf ayaan inoo weydiinayaa adiga iyo anigaba.

 

Ma jiraa mid idinka mid ah oo hadalkan oo kale maqla habeenka arooskiisa?

 

Waxa uu yidhi Shariix way I xujeysay shacbiyow hadalkaa ay jeedisay aniguna waxa aan ku idhi Illaahay ayaa mahadleh isagana kaalmaysanayaa Nabi Maxamed N.N.K.H, waxa aan ku idhi waxa aad tidhi hadal hadii uu dhab kaa yahay waxa uu noqon doona guul hadii kalena waxa uu kugu noqon doona xujo anigu waxa aan jecelahay Waxaa iyo waxaa waxana aan diidaa kaa iyo kaa, hadii aad wanaag aragtid ii sheeg hadii aad xumaan aragtidna astur.

Waxa ay tidhi sidee ayaad u aragtaa in ay reerkaygu I soo booqdaan, waxa uu yidhi ma jecli in ay reerka xididka aanu nahay guriga ka buuxsamaan waxa ay tidhi yaana aad jecleyn oo jaarkaaga ka mid ah oo aanad dooneyn in ay gurigaaga soo galaan laakiin yaad doonaysaa in ay gurigaaga soo galaan waxa aan ku idhi reer hebel waa dad fiican laakiin reer hebel waa dad xun.

Waxa uu yidhi shariix waxa aan ku waa bariisanay habeenkaa nimco waxana wada joognay labatan sannadood waxba weli kumaan canaanan mar aan anigu ku khaldamay mooyane.

Hooyo wanaagsan oo caqli badan oo ahayd Umaama Bintu Xaari ayaa inanteedi u hadaysay habeenkeedi arooska dardaaran qaali ah waxana ay ku dhiiro gelisay walaalaha fadliga badan lahow iyo hooyinka wanaagsanow ku baraarujiya waanadan oo kale hablihiina.

Hadaba waxa ay kula dardaarantay inanteedi hadalkan: Hadii ay gabadh iska kaaftoonsiiso nin waxa ka kaaftoomi lahaa aabaheed iyo hooyadeed oo iyada uga baahi batay hadaba waxa aad noqotaa dadka ta ugu baahida badan leh hasa yeeshe dumarku raga abuur u yihiin raguna sidoo kale, waanadeydan qaado waanadeyda waxa ku jira toosi qofka moogan iyo kaalmeyn qofka caqliga leh, inanteydiyey waxa aad ka gudubtay marxaladii inanimada waxana aad u gudubtay marxalad cusub iyo nolol cusub oo aanad hore u arag, waxana aad tahay mulki nin leeyahay oo uu ilaalinayo isaga u noqo adoon isaguna waxa uu ku noqon doona adoon, waxana aad u ilaalisaa tobanka arimood oo ku noqon doona kayd ku yaal.

What's New?

Here I might add an entry whenever I make an update to my web site. Where appropriate, I'll include a link to the change. For example:

11/1/01 - Added new photos to Vacation Album page.

People shouting at the world over megaphones; Size=240 pixels wide

Please get in touch with any comments or reactions to my site.

wiiljacayl online