Haweeneyda oo lagu magacaabo Xaliimo ayaa ku guuleysatay inay wiilkey jeceshahay u dirto Ingiriiska,waxayna ka gadaal
saaxiib la noqotay Marwadii uu qabay ee Caruurta u heysay.
“Xaliimo waxay saaxiib la noqotay gabadhii uu qabay
Maxamed ka gadaalna waxay kula talisay inuu adeegyada ka caawiya wiil kale oo ay is yaqiineen,wiilkiina waxay hoos ugu sheegtay
inay naagta garoob tahay,una baahan tahay garab iyo gar gaar,nin ka caawiya xagga adeega suuqa iyo gurigga” ayey tiri
gabadh la saaxiiba Xaliimo oo qisada kaga sheekeysay Waagacusub.net.
“Waxay igu dhahday wiilka haku caawiyo,waxaad
rabtid u dirso aniguna daacad ayaan u qaatay,waxaa dhacday inaan wiilkii xiriir wanaagsan yeelanay,uuna habeen seexday xaafadeeyda,ninkii
I qabayna si kedisa ku yimid,ina furay isagoo ku dhawaaqayay,diinlaay baad tahay,nin kale ayaad la seexatay iyo wax la mida
“ayey tiri Sacdiyo oo ah gabadha siyaasadda looga qaatay ninkii qabay.
“Wiilka wuu kaalmeyn jiray,ka gadaalna
waxay ka dhigatay saaxiib,waxay u sheegtay naagta maleegeysay siyaasadeeda ee Xaliimo,waxay weydiisay goorta uu ka tegayo,waxayna
ku dhahday subaxdii shanta iyo wixii ka dambeeyo,markaas ayey wiilkii qabay u dirtay telefoon,kuna dhahday,nacasyahoow naagtii
aad qabtay waxaa la nool nin kale oo gurigeeda habeen iyo maalin aan ka bixin ka gadaalna doon ayuu hore ka soo raacay oo
aroortii ayuu ku garaacay”ayey tiri Canab oo qisada si hoose kaga hadashay.
“Waxaan u qaadanayaa waaya
aragnimo iyo inaysan naag saaxiib gelin,waxaana maleeysan waayay markaan maqlay in Caruurteeyda aabahood guursaday Xaliimo”ayey
Sacdiyo ku calaa cashay.
“Naag saaxiib ma gasho laakiin waxay Walaasheey Sacdiyo ku gashay gef inay nin aan qabin,la
dhalan seexiso guriga,waxkasta haka dhexeeyaanee maxaa yeelay waa qalad weyn,waana ku gar hadii uu Maxamed yiraa way la jiiftay”sidaa
waxaa ku garaabay Hooyo Soomaaliyeed oo diiday in magaceeda la xuso.
“Maxamed hada waa Seeyga Xaliimo,waan jeclahay
runtii,waxaana la jeclahay nolol wanaagsan mana doonaayo inaan ka hadlo arrintii dhexmartay isaga iyo Caruurta uu dhalay hooyadood”
ayey tiri Xaliimo oo la hadashay Waagacusub.net.
Xaliimo waxay qaab diblomaasiyadeysan kaga jawaabtay edeynta Holand
hareysay ee la xiriirta inay saaxiibteed qaab dhagareysan kaga furatay ninkii qabay.
“Naf wax jecel ayaan ahay,hadana
liqi waysay in naag lala qabo,waxaan ku joogaa gar tilaabo kasta”ayey ku gaabsatay Xaliimo.
C/salaan Cabdulle Calasow
cabdisalaan@hotmail.co.uk