Hadalo tagay oo lagu dulmiyey dumarka

Welcome!

Kas dumar oo kadaloob ragg kaaga danbeeyey kaad ku ogayd maaha. Dumarku waa dhalaan cago wayn.
Geelna dabarbaa xidha Dumarna meherbaa xidha.
Dumarka beena kusoo xero gali runa ku dhaq.
Dumar diin male

Iyo hadalo badan oo aad u liita oo dadnimada iyo caqliga dumarka hoos u dhigay, niman badani marka ay sidan u hadlayaan waxay isu arkaan ama isu arkayeen inay yihiin dad xikmad iyo caqli wanaagsan ku hadlaya, waxayse iloobeen inay bulshada nuskeedii kale xaqirayaan oo ay meel uga dhaceen. Waxaa laga yaabaa inay dadka qaar dhahaan cay maaha tani ee waa waxa jira oo dumarka lagu ogyahay, hadaba aan su’aalo nimankaaye diinta ama qaanuunka dhigaya ee aad kasoo qaadatay waakee, mise fikirka iyo sida aad adigu u arkaysay inay yihiin dumarku ayaad rabtaa inay noqdaan xukun lagu wada xukumay gabdhihii reer aadam oo idil.

..

Marka aad u fiirsatid kalmad kasta ama waxan lagu sheegaya maahmaahyada ee aan kor kusoo xulay, waxaad dareemaysaa oo aad dhadhan sanaysaa inay yihiin hadal uu iska yidhi qof aan xikmad iyo cadaalad midna aqoon.

Tusaale marka ay leeyihiin Geelna dabarbaa xidha Dumarna meherbaa xidha miyeyna iyagu is waydiin marka geela xadhigu uu xidho dumarkana uu meherku xidhay adigana toloow maxaa ku xidhay, mise waxaa lagaa dhaadhiciyey adiga waxba kuma xidhaan oo waxaad tahay mid dadka ka sareeya, saw wax lala yaabo maaha, qaanuun aduunka ku xidhayaa majiro miyaa marka aad sidan iska dhaadhicisay. Kalmada marka aad isticmaalaysidse ma u fiirsatid miyaa, mise waad iska dhahdaa. Ninkasta ama gabadh kasta oo ra’yigan laga dhaadhiciyey waxaan ku leeyahay caqligaaga dib ugu noqo oo kalmada inta aadan iska sheegin micnaha ay wadato iyo waxa ka danbeeya isa su’aal.

Tusaale kale ayaa odhanaya, Kas dumar oo kadaloob ragg kaaga danbeeyey kaad ku ogayd maaha. Xaqiraada tan ka wayni maxay tahay, waxaa laga soo qaaday gabadhii soomaliyeed inay tahay qof aan ra’yi iyo go’aan toona midna lahayn, yaa yidhi gabadha ra’yigeedu waa kolba qofka ku danbeeyey ra’yigiisu siduu ahaa, yaa yidhi kalmado ayaa lagu badali karaa oo waxay aaminsanayd iyo waxay ahaydba ay ku badalaysaa. Mise wixii qaarka mida dumarka lagu arkay ayaa lagu wada maamulayaa dhamaantood. Yaase yidhi nimanka ra’yigooda lama badali karo. Hadiiba ay aaminsan yihiin kuwo badani ra’yigan waxaan ku leeyahay, gabadh aad saa ku tuhmayso ama aabad iska dhaadhicisay waytahayba, sideed ugu aaminaysaa inay noqoto caruurtaada hooyadood, siday ku noqonaysaa tii aad noloshaada ku wada aaminaysay hadiiba ninka ugu horeeya ee ay la hadashaa uu badalayo fikirkeedii hore, mise maba rabtid inaad ku aaminto wax oo waxaad rabtaa bas mid guriga kuu joogta!!! yaa kaa dhaadhiciyey raggu wayka caqli badan yihiin dumarka. Ninkasta ama gabadh kasta oo ra’yigan laga dhaadhiciyey waxaan ku leeyahay caqligaaga dib ugu noqo oo kalmada inta aadan iska sheegin micnaha ay wadato iyo waxa ka danbeeya isa su’aal.

Tusaale kale wuxuu yidhi Dumar diin male oo kolba qoladii badisa diinteeda ayey leeyihiin. Cajiib been abuurashada tan ka wayni xagay ku taala, yaa yidhi dumarku diin male miyeyna dumar ahayn qofkii ugu horeeyey ee diinta islaamka rumeeyaa, miyeyna dumar ahayn qofkii ugu horeeyey ee dhiigeeda loo daadiyo diinta darteed. Yaase yidhi kolba qolda badisa ayey raacaan miyaadan meel wayn uga dhicin gabadhii Islaamka maraad xataa diinteedii aad kasoo qaaday inay tahay shanba cayn oo maalinba ay waji cusub wadato, sifadaasi maaha miyaa tii munaafaqa, mise waad ilowday taas.

Tusaale kale oo fiican in lagu daro wax yaabaha lagu qoslo ayaa jira kaasoo odhanaya, Dumarku waa dhalaan cago wayn. Kani hadalbadan uma baahna oo waxaan leeyahay wali ma aragtay dhalaan dhalaan dhalay hadiiba ay dhalaan kuula mid yihiin dumarku sideed dhalaan u guursatay.

Ugu danbayntii waxaan ka cudurdaaranayaa wixii khalad aad u fahantaan, waxa aan maqaalkan usoo qoray waxa weeye bas inaan dadka ku baraarujiyo, hadalo ay iska dhaheen dad tagay in wali laga dhigaya ushii ama qaanuunkii dumarka lagu xukumayey.

Wiiljacayl Online

Wiiljacayl Online
wiiljacayl.jpg
Cabdilaahi Jawhar Cabdi ( Wiiljacayl Online)

Wixii aad ka qabto Maqaalkan ku soo hagaaji fikradaada

Bogga Arrimaha Jacaylka