GUURKII DHICISOOBAY DHALIISHIISA YAA LEH?

Welcome!

Markii wax waliba ay soo dhamaadeen ee la damaashaaday, xafladdii arooskana ay si wanaagsan ku soo gabagabowday, ayaa caruusaddii waxay qaadatay go’aan adag oo dad badan ka yaabiyey balse laga yaabo in caruuska uu horey uga warhayey  in go’aankaas oo kale  la filankaro.

Mar allaale iyo markii ay baabuurtii galbin lahaa caruusadda la keenay gurigooda hortiisa, oo la sugayey oo kaliya in iyada iyo gabdhihii wehelinlahaa ay soo raacaan baabuurta, ayaa un mar qur ah un afkeeda laga maqlay “aniga diyaar u ma ihi in aan baabuurtaas raaco”. Waxayna diidmadeeda sabab uga dhigtay caruuska oo buriyey heshiis horaan u dhexeeyey iyaga – kaasoo ahaa in uu DAHAB u keeno sida ay caruusaday sheegeyso.

waalidka gabadhan  oo markii horeba ninka ku daray iyada oo aan raalli ka aheyn, ayaa aad uga xumaaday go’aanka adag ee ay gabadhooda qaadatay.

Hase yeeshe sida muuqata,dalbashada dahabka ee ay shuruudda uga dhigtay gurigeynteeda ayaa waxa ay u aragtay in ay tani u tahay marmarsiiyo muhiim ah oo ay kaga bixi karto dabinka ay waalidkeed u qooleen.

Baabuurtii  loogu talagalay in ay caruusadda galbiyaan, ayaa iyaga oo faaruq ah dib ugu laabtay xaafaddii xafladda aroosku ka dhacaysay.

Caruuska oo gurigiisa ku sugaya in loo keeno gabadhii inta badan niyadiisa mashquulisay, ayaa aad iyo aad ula fajacay in baabuurtii oo faaruq garaacaysa ay ku soo laabtaan guriga. Markiiba waxaa loo sheegay sababta ay caruusadda ooga hartay baabuurta. Isaga oo aad u yaaban, filanna la’, sida ay arrintani ku dhacday, ayaa waxa markiiba uu garaacay taleefoonkeedii.

Hadalkii ugu horreeyey ee uu weydiiyana waxa uu ahaa “ gacaliso ma dhibaa jira? Iyadana waxa ay ku jawaabtay “Dhib majiro haddii aadan adigu qabin” waxayna xasuusisay sida markii horeba aysan ugu qanacsaneyn guurkooda, sidaa darteedna uu ku raalli ahaado.

Markii uu arkay in go’aan keedu uu biyo kama dhibcaanyahay, ayuu isagana ku calool adeegay in dhiniiciisa uu gaaro go’aan aan jixaanjix laheyn.

Kadib wadahadal  iyo tashi dheeraad ah, ayaa ehelkiisa ayaa arrintani u cuntami weyday, go’aan ay ku madax-jabinayaan gabadha iyo reerkoodaba ku dhaqaaqay 

Waxay islamarkiiba caruuska loo meheriyo gabar xigtadiisa ah.

Gabadha loo qorsheeyey in ay noqoto caruusadda cusub ayaa waxa ay ka mid aheyd gabdhihii agaasimayey howsha arooska.  

Sikastaba ha ahaatee, dadban oo aan saas xog-ogaal uga aheyn qisadani, ayaa run ahaantii aad uga naxay tallaabada uu ku dhaqaaqay caruuska.

Balse dadka la socday qisadan bilowgeedii ilaa dhamaadkeedii, ayaan iyagu la yaabaneyn natiijada ka soo baxday guurkan dhicisoobay; waayo waxa ay ogaayeen sida cad ee ay gabadhani ooga soo horjeeday guurka ay soo qabanqaabiyeen waalidkeed.

Arrinta la yaabka leh ayaa waxa ay tahay, in ninkani uu caashaqay gabadha iyada oo ah ardayad dhiganaysa mid ka mid ah dugsiyada Hoose Dhexe ee xerada qaxootiga IFO ee ku taalla deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya.

Sannad kadib oo ay gabadhani u soo gudubtay Dugsi Sare, ayaa waxa uu u soo bandhigay jacaylkiisa Balse gabadhani oo maankeedu raacsanaa wax-barashada, ayaa bog bananaan ooga weyday jecaylka uu usoo hindisay.

Markii uu haba yaraatee beerjileec ka waayey, ayaa waxa uu ka fikiray wadadii kale ee uu ku heli lahaa gabadhan sadrigiisa degtay.

Sida caada u ah Soomaalida, ergo ka socotay wiilka ayaa ka doonay gabadha waalidkeed.

Waalidkiina way ogolaadeen codsigii ooga yimid akhyaarta ka soo doontay gabadha. Halkiina waxa ay ku bixiyeen gabadhii.

Gabadha ayaan ku faraxsaneyn gacansaarka halkaa ka dhacay Inkasta oo markii hore waalidku ay isku dayeen in ay  kala tashadaan gabadhooda arritani, ayaa markii dambe go’aan dhinacooda ah gaaray in ay ku sandulleeyaan gabadhooda guurkan, iyaga oo doorransiinaya duco iyo habaar.

Iyada oo tixgalinaysa codsiga waalidkeed, habaarkana ka cararaysa, ayey iska ogolaatay si kasta oo aysan ugu qanacsanayba.

Iyadana waxa ay keenta hal shuruud oo aheyd in uu sugo tan iyo  inta ay ka bogeyso dugsiga sare.

Tan iyo xilligaas oo ay ka soo wareegtay muddo Afarsano ah waxaa labadan qof ka dhexeeyeey xiriir hal dhinac ah, taasoo run ahaanti si toos ah uga turjumeysa in jacayl aan la wada wadaagin aanuu meel mar noqon Karin.

faadumo macallin abuukar (faadumoruush)
faadumoruush@hotmail.com

What's New?

Here I might add an entry whenever I make an update to my web site. Where appropriate, I'll include a link to the change. For example:

11/1/01 - Added new photos to Vacation Album page.

People shouting at the world over megaphones; Size=240 pixels wide

Webmaster : Cabdilaahi Jawhar Cabdi cabdilaahijawhar@hotmail.com

Wiiljacayl Online