GABAY JACAYL AH
- Dahabow jacayl baa idilay, oo idaashadaye
- Cishqigaaga duulaanka ahi, waygu soo dagaye
- Haddii aadan daaweyn xubbigu, wuu idilayaaye
- Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine
-
- Dawo waxaan lahayn iyo sunbaan, duhur cabaayaaye
- Anigoon dakano aadmi qabin, ways daldalayaaye
- Dab haddaadan ii shidin la waa, inaan dawoobaaye
- Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine
-
- Nin dayuurad haysta yaan odhan, diilinta i saare
- Waxay sii daryaantaba kolkay, dowyo sare gaadho
- Daruuraha markay gaadho yaan, dam iska soo siine
- Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine
-
- Markab diririglayn iyo intaan, doonyaha raaco
- Badda weyn markuu ila derdero, yaankasoo degiye
- Meel aan dabbaal lagu karayn, Dahaboy caynkeeda
- Iyo
daakhil kaan tagahayaa, daacadda Ilaahe
- Haddii aadan daaweyn xubbigu, wuu idilayaaye
- Is dillaacin mooyee wax kale, iima soo dagine
-
- Haddaadse raro dun lagu daadiyey, oo daabac laga buuxshay
- Oo midabku deyldeylan yahay, dadabta gaadhsiiso
- Diyaar loo sameeyey iyo, dharkii deeqa aragaaga
- Oo damacu wuu badanyahee, deymo kaa qabato
- Yaan duunyo kuu siin hayaa, adi dadaalkaaye
- Danbigaaga oo idilna waa, layga dedayaaye
- Waan diir xumaan maalintay, diinftu kugu taale
- Xigaalada dugaalkeed badhbaa, la iska diidaaye
- Dadkiinaan
jeclaan iyo intaad, duray wadaagtaane
|