Gabaygii lamagac baxay DHUDI WAA LA GUURSADAY !!!! C/fatax Dahir Cige

1-aduunyadu dhib badanaa
2-dhibanuhu ax badanaa
3-dhagax tuuji adagaa
4-dhooqa nuuri waa hawl
5-dharxan dayste waa nacas
6-dhibaatadu ijecelaa
7-ma dhoobaanan anuu hayn
8-dadku ma ila dhinac baa

9-dhalin yaro ninkii aa
10-hadalkay udhaadhici
11-dhawaaqayga waxa garan
12-nin dhamaystay sibinaar
13-jacaylkuna udhaawacay

14-dhanbaalkani duxdiisana
15-dhab waxaa astayn kara
16-ninka dhaanka loo diray
17-dhudi ay isbariidsheen
18-ama dhawr habeen talo
19-gacmaha isku dhiibeen
20-guur la isla dhigay meel
21-dhiil cugan kalsoonina
22-lagu dhawray taasina

23-hawshaasi dhabarkeed
24-dheeftii jacaylkaa
25-dhandhankeeda muudsaday
26-dhaydeed ka faashaday
27-qaahira kusii dhagay
28-dhigay dumar warkoodii
29-udhanaaday kaligeed
30-dhaxalkeeda filashada
31-udhareershay guurkeed
32-kuma dhicin hal iidaran
33-iyadan dhaliil ku ah

34-dhayal looma heesoo
35-dhicis lama amaanine
36-yartu dheemanbay hayd
37-cilmi dhiganaysay hayd
38-haweenkani dhulkoo idil
39-caqli dhaafsanbay hayd
40-lagu dhaato bay hayd
41-aniguna dhigeediyo
42-gaban dheeli tiranooy
43-la dhacaysay baan haa
44-dhibriyaan runtii haa
45-dhoodhooba qaladkeed

46-dhudi way bukootoo
47-dhoofbaa xal laga dayay
48-inkastuu dhadhaar iyo
49-dhib uu haa warkaas yimid
50-dhankaygii kamaan hadhin

51-dhulkeenii markay timid
52-dhudi lagu baxnaanshoo
53-dhaawicii kasii daray
54-lagu dhagay wadnaha iyo
55-halka laga dhaqaaqoo
56-dhimashay uhalis timid
57-inoo loo dhisaa timid
58-kolkaas anuu ma dheerayn
59-halaguu dhawaaqaan
60-halkaygii udherernaa
61-uma dhicin sidaan rabay
62-inaa laga dhagaysani
63-dhudi way filaysee
64-car dheh wiilka laga yidhi
65-dhibtu qolonimay hayd
66-ana dhidid muquurmoo
67-dhakafaar lakaw saday
68-dheel maday xanuunkii

69-dharaar oo salaasa ah
70-subax ay dhankayagani
71-tobankii ku dhawdahay
72-tilifoon masoo dhacay
73-hurdo dheer ka tooskay
74-dhaayaha makala furay
75-ilayn dhudi ayay hayd
76-anigoon dharkii xidhan
77-intaan haw dhaqaaq kacay
78-mala dhaafay kidinkii
79-si,aan loo dhagaysanin
80-warkii ma isku dhiibnoo
81-is dhagaysi dabadeed
82-iyadoo dhurmani hadal
83-murug ay ku dhigan tahay
84-dhudi guur ma igu tidhi
85-meherkii baruu dhici
86-indhahaygu dhiigii
87-dhibicdii ma hoorsheen
88-hadalkii ma igu dhagay
89-dhawr daqiiqo dabadeed
90-maku dhaafay ducadii
91-dhudi waa laguursday

gabayaa.jpg

Wiiljacayl Online