Make your own free website on Tripod.com

Maanso Jacayl-(Sal-gaadh)by C/fataax Daahir Cige

Maansadan waa curiyay Gabayaaga da'da yar ee caanka ah C/fataax Daahir Cige oo ku nool Waddanka Masar gaar ahaan magaalada Qaahira, Maansadiisii la magac baxday SAL-GAADH waxay ku bilaabatay sidan
1-safar weeyi duniduyoo
2-sahaydeeda lama huro
3-sayidkii na uumaa
4-imtixaanka saxayoo
5-ninka saaqidkee hadha
6-naarbaa sugaysoo
7-halkaasuu kusii jiri
8-ninka soo shaqaystana
9-janaduu saldhigayaa
10-sida lagu badbaadee
11-loo samata baxayaan
12-ka salgaadh is leeyahay

13-marka ay su,aaluhu
14-salaad sheega ay tahay
15-kolay waan sahwiyi jiray
16-intaan koonka saarnaa
17-sartii lagu kabaayiyo
18-suna buuxinaa yaan
19-ka salgaadh is leeyahay

20-ramadaanka soonkii
21-haddaan saafi loodayn
22-saatirkeen maqaatee
23-sune kaba halkaasbaan
24-ka salgaadh is leeyahay

25-saaxiibka kuu dhaw
26-sirwadaaga kula jira
27-wax hadday kasiibtaan
28-waxa sugan inay cadho
29-kala sooci labadaa
30-inta ay sidaa tahay
31-camal saalaxoogii
32-saray looma qaadoo
33-saatir nagama yeelee
34-waxa lagu sifeeyaan
35-ka salgaadh is leeyahay

36-wax sawiran ayaad tahay
37-markii laga siyoon jiray
38-saban hore ayay hayd
39-markii seefta dheer iyo
40-xoogxoogu socon jiray
41-sahal bayba taas hayd
42-muslimiinta siliciyo
43-saxariirta lagu wado
44-lilmadaan usaydh shaa
45-dimuqraadibaa siray
46-sakiinbaa la dadayaa
47-siijeedka anuu nacay
48-soofeeyay taydii
49-sadkii aan lahaynbaan
50-ka salgaadh is leeyahay

51-saddex dhaaf halbaa xiga
52-erey suxufi weeyaan
53-waxa sagalka kiciyee
54-kala saaray teenii
55-waa awooda sabankani
56-socdaalkeega waan galay
57-sikastaba hanoqotee
58-saxaafada gunteedaan
59-ka salgaadh is leeyahay

60-murtideenu waa solay
61-sasabaysa murugsane
62-suuraysa waaqica
63-waa soodh lajabin karin
64-saaruukh abwaan sido
65-sancadeedu goortay
66-sacabada nin wayn tahay
67-wanaag soorto weeyaan
68-sabi yidhi anaa tirin
69-intuu ood ka salaluu
70-xaajadu sirgaxantaa
71-taladuna siqiirtaa
72-wax sawaaban sheegaa
73-halxidhaale saxa iyo
74-suugaan da,waynbaan
75-ka salgaadh isleeyahay
-
76-dadku waa sun iyo malab
77-faraheena lama simin
78-wax kastaa kusoo mari
79-haddii aan suldaan ahay
80-waxa saaka joogaan
81-ka salgaadh is leeyahay

82-dumarkeena sabankana
83-raga saaka joogoow
84-xishood wuu kaso hadhay
85-wax lasugo kumaan arag
86-lilmadoodu wa sixir
87-ha rumaysan salli yoow
88-isa soo dadkooduna
89-waa siyaasad xeel dheer
90-ayay subuni kaa helin
91-salaan dhaafsan abidkaa
92-anuu waan kasoomoo
93-sibinaaara qaatoo
94-dumar lama safaadoo
95-siwaaj qudha ayaa imara
96-salgaadhbaan la magac baxay


C/fataax Daahir Cige(SAL-GAADH)
mudane_22@hotmail.com
cairo
  

Wiiljacayl Online