maanso jacayl oo lamagac baxday FAJAC IYO YAAB

1-waa geedi duniduye

2-ninka geesi sheegtoow

3-wali gabadh jacaylkeed

4-adigoo gudoon saday

5-makaa raacday gaban kale

6-makuu goysay taadii

7-iyadoon gafba u,arag



8-galbiskiyo ciyaartii

9-markuu galabta uun yahay

10-barqa gaaban subaxnimo

11-adigoo halkii godan

12-tilifoonka gacantuun

13-malaguu garaacoo

14-waa guur malagu yidhi

15-haldaqiiqo gudeheed





16-inta la iska gaabsaday

17-gabagaba malagu yidhi

18-telkaa iga go,aayee

19-inoo goorta aan helo

20-waqti iga go,aayiyo

21-markuu guule nagu simo



22-adigoo gilgilanoo

23-wadnuhuna gig leeyahay

24-gobo,layni dhididkuna

25-hadalkuna gasleeyahay

26-sobobtiisa guurkaa

27-guradaada ku habsaday

28-bal gungaadh matidhi taa



29-gurcudoow haweenoow

30-iyadoon il gibidheed

31-naxariisba kuu galin

32-maku tidhi gar weeyaan

33-ma inaan gaboobaad

34-ila gaadi wiil yahaw

35-waakaa gayigu badan



36-gacaliso qof kuuhaa

37-ilayn lama guhaadshee

38-gab inaad utahayood

39-lagalayso iilkood

40-kago,ayso aadmiga

41-goobtii makaga tidhi



42-intay gees istaagtooy

43-kuu guuxday dheeldheel

44-qosol gaws dambeedka ah

45-maka galalac siisoo

46-kala garo makaa tidhi

47-islaantiyo gashaantida



48-ubadkani gurguurtiyo

49-gabdhahani is ruxayaba

50-marka ay go,aan tahay

51-isku garasha weeyaan

52-inkastood guyaal badan

53-lagor fayso sheekada

54-inkastood guduud iyo

55-giriin aad kabadisaba

56-galad sheegan maayaan

57-ninka guda xilkoodee

58-gogol jiif layeeshee

59-guur ay wadaagaan

60-kaasay galoon sare

61-ugar waaqsadaan mahad

62-xasuustuna ku gudhantaa

63-geesi ay ku sheegaan

64-xataa saacad gobolkeed

65-haddii ay goshiisiyo

66-guradiisa taaluun



67-ixtiraam gayaanbaa leh

68-wax lagudo abaal baa leh

69-isgamaarin dumarbaa leh

70-haday gabadhi kuu oyday

71-galin kugu dul baanaysay

72-ambaa dhaar ku geeraartay

73-gama,ii dartaa diiday

74-ha ugaran xaqiiqdooda

75-ha istaagin giriyaadka

76-gabgablayn haweenbaa leh

77-googaa horaa sheegtay





78-garmaqaate nacas weeyi

79-guntanaan jacayl doonay

80-daacadi gadhkii tuugtay

81-giniyaat waxaa siista

82-garba dheer kasoo tuura

83-guruuruca dambaysiiya

84-kolba geed kusoo dhuunta

85-marmarsiiyo gaadhsiiya

86-waa la ila garan waayay

87-gurcudoow haween weeyi





88-iclaan guud waxaan talo

89-dhalintaay gudbinayaa

90-intay geeri ii iman

91-ninka gabadh jeclaadoow

92-haday kaa go,aan tahay

93-gabalkuba intuu dhicin

94-intay gucustu kaa dhalan

95-soo gunaanad xaashaqa

96-xalaashana ha garab mari



c/fataax daahir cige(SAL-GAADH)

mudane_22@hotmail.com

cairo  

gabayaa.jpg

Home

Wiiljacayl Online