WIILJACAYL ONLINE

Home | Bogga Diiniga | Maxaa cusub | Sawiro | Qisooyin

Salaama iyo Tahniyadaha u dir Asxaabtaada

SALAAMAHA IYO TAHNIYADAHA U DIR JACAYLKAAGA

QOFKAAD JECESHAHAY MAXAAD U DIRI LAHAYD?
 

Happy New Year: Oslo Norway-Moonlight Band

 
 

Happy New Year: Toronto-Canada

 

Happy New Year: Edmonton-Fartuun Birimo

 

Happy New Year: Otawa-Zeynab Labadhagax

 

Happy New Year: Jubba-Norwey

 

Hambalyo Online - info@hambalyo.com

wiiljacayl ayaa arkay warkiisii

Hana qaadka jacaylka hadmaa  kuugu horaysay  sxb  ? maxaad  kataqaanaa  doontii jacaylka ?
Ubax baan kuusidaa kuula soo ordee maad  iga aqbali

Boodhari iyo fanka casriga ah
 
 

Fekerka iyo dhaqanka bulshooyinku ma aha waxa cirka ka soo daata ama dhulka ka soo fuura, ee waa silsilad ay guntin waliba mid kale haysato. Marxalad walba oo nololeed waxaa saameeya mid ka horraysey, halka ay iyaduna sii saamayso ta xigta. Haddaba dhammaadkii soddonnadii iyo bilawgii afartannadii qarnigii tegey Geyiga Soomaalida waxaa ka abuurmay xaalad ku cusub fanka iyo halabuurka soomaalida taas oo noqotay, ilaa maantana ah, mid aad u xiise iyo taageerayaal badan. Xaaladdaasi waa heesaha casriga ah ee muusigga loo tumo.

Dad bay la tahay muusigga iyo fanka la xiriiraa in uu dhaqanka soomaalida ku yahay soogalooti, laakiin ma aha ee qalabkaas iyo adeegsigiisu siyaalo kala duwan ayuu weligii dhaqanka ugu soo jiray, ay ka mid yihiin durbaanka iyo haanta oo munaasabado faneed badan loo adeegsan jiray. Taas waxaa dheer jiibta, jaanta iyo sacabka lagu qurxiyo dhammaan ciyaar dhaqameedda taas oo iyaduba ah muusig dabiici ah. Noocyada maansada oo dhan mid walba sida loogu luuqeeyaa iyaduna wax kale ma aha ee waa muusig. Taas oo jirta haddana markii la magaaloobay waxaa loo baahday si iyo qalab cusub oo lagu bulsheeyo la iskuna maaweeliyo. Halkaas ayuu fanka casriga ah ee aynu maanta naqaan ka soo baxay.

Marka laga reebo qaddar saamayn ah oo muusigga iyo masraxa (ruwaayadda) ka soo galay dhanka Suudaan iyo Yaman, halabuurka suugaaneed ee casriyaynta fanka loo adeegsaday waa dhalad si walba ugu abtirsada fanka iyo waayaha soojireenka ah ee soomaalida, wuxuuna ka beermay iniino asal ah oo ku aasnaa dareenka bulshada. Dhinac kasta oo aynu ka eegno waxaynu arkaynaa run ahaantii arrintu in ay sidaas tahay. Waxaanse inoo soo qaadayaa waxyaalaha ugu waaweyn ee fanka casriga ah dhaliyey.

1. Cilmi-Boodhari:

Soddonnadii qarnigii tegay waxaa magaalada Berbera caan ka noqday nin barbaar ah oo miyiga kuraynimo kaga yimid. Ninkaas waxaa goor aroor ah ku dhacay jacayl aan xad lahayn uu u qaaday gabadh ay isku magaalo ahaayeen oo lagu magacaabi jiray Hodan Cabdulle Walanwal. Waa Cilmi Ismaaciil Liibaan oo lagu naanayso "Boodhari".

Dadka oo dhan jacayl wuu ku dhacaa, waxaase ninkaas u gooni ahaa dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin: in uu jacylkiisu ahaa mid ka sarreeya heerka caadiga ah, in uu arrintaas darteed noloshii kale oo dhan wadi kari waayey farahana ka qaaday, in uu ahaa afmaal dantiisa iyo dareenkiisa gabay ku sheegan kara - isla markaas oo gabaygu ahaa wax aad loo qiimeeyo - iyo in uu jacaylkiisa u soo bandhigay si cusub oo lala wada yaabay. Taasi Boodhari waxay u soo jiidday in ay dad badani ku jeclaadaan dad kalena ku nacaan. Dadka ku jeclaaday waxay u badnaayeen reer magaalka iyo dhallinyarada, kuwa ku nacayna sida la garan karo waa dadkii dhaqanraaca ahaa ee ragannimada u yaqaanney adkaysiga iyo yasidda nugaylka.

Ugu dambayn markii uu Cilmi-Boodhari jacaylkaas u geeriyooday isaga oo ka tegey gabay iyo sheeko dheer oo xanuun badan wuxuu noqday shakhsi aan qof maqlay ismoogaysiin karin.

Haddaba maansada iyo xaaladdii nololeed ee Boodhari waxay saldhig u noqdeen fanka casriga ah, waxaana dhimashadiisa ka dib tusaale iyo dhiirrasho ka dhigtay fannaaniinta iyo dad kale oo badan. Marxaladdii koowaad ee fanka noocan ah waxaa lagu bilaabay meerisyo gabay ah oo la sawrac ah kuwiisii laakiin lagu qaaday luuq ka duwan tii gabayga. Koox gole wada fadhida ayaa si subcis ah u wareejin jiray, oo qofba markiisa qaadi jiray, beydad tiro yar, kuwaas oo mid waliba uu isagu samaystay. Waxaa ka mid ah afartan meeris oo aan ku arkay hordhaca buug tayo xun oo lagu magacaabo "Diiwaanka heesaha" kaas oo uu qoray Maxamed Sh. Xasan (Stockholm):

jawharad aan shalay arkoo aqal ka soo jeedday

jeedaaladaan eeg is-idhi sow ma jabi gaadhin

...

Muxubbaba tallaabada markay midigta qaadayso

ma malaa'ig baa ruuxu waa muunad gooni ahe

Saamaynta uu Boodhari arrinta ku yeeshay waa mid u muuqanaysa qof kasta oo u wada fiirsada gabayadiisa iyo hees-faneedda. Sida furan ee xorta ah ee uu ninkaasi dareenkiisa u cabbiray ma ay noqon oo keliya mid fanka loo adeegsaday, ee waxay kale oo noqotay si uu qof walba oo caashaq xanuunjiyaa naftiisa ugu baroordiiqo. Isu ekaanta maansada Cilmi-Boodhari iyo fanka cusub tix walba waa laga heli karaa, balse aynu isbarbar dhigno islana aragno dhawr tusaale:

Boodhari:

caashaqa haween waa horaa Caaddil soo rogaye

Sayidkii Carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye

waxaa qaarba cayn looga dhigay ha iscajabiyeene

soomaalidaa caado xune iguma caydeene

Qaraami:

cusbiyo kama maarmo geelu carroo

cirkiyo wuu og yahay halkii cosob lehe = roob

ceeb ma aha in aan ku caashaqaye

cidliyo ha igu dhaafin ciirsila

Boodhari:

hillaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediiye

hurdadana habeenkii ma ledo haddiyo waagiiye

sida hoorrimaad baa qalbigu ii hanqanayaaye

Qaraami:

sidaan kuu bartayba hurdada ma bogtoo

barkimaan hadba beerka saaraa

Boodhari:

sidii qaalin dhugatoobayoo geelii wada dhaafay

dhallinyaro ma raacee kelaan dhaxanta meeraaye

Qaraami:

sidii geed ku yaal Bankii Geriyaad

goonidu waa mid la iigu talo galay

Boodhari:

gadiidkii aan toosaba adaan kuu guntanayaaye

sidii aad gidaar tahay maxaa kaa i garab taagey

Qaraami:

dhillawyahankaa dhirtuun ka baxee = qadow, geed dhirta kale ka dul baxa

maxaa dhexda iigu kaa maray

Tix ka mid ah kuwa ugu qurux badan gabayga Boodhari oo uu naftiisa ku hiifayo gardarrada jacaylkana dusha iska saarayo meeriska dhextaalka u ah ayaa fannaaniin badan u noqday halqabsi joogto ah. Meeriskaas iyo kuwa laga dheegtay waxay yihiin:

gardarriyee maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey

Qaraami:

boggayga waran baad badheedh u dartee

bagaad i dishoodan ii bixin

...

booqasho keliyaa badh iga hadhayee

bagaadan ina soo bariidayn

...

baroordiiqdu maydka waa ka badhe

bagaanad islahayn 'biyaan qubay'

Run ahaantii ujeeddada halkan ku jirtaa ma aha in eedda la isa saarayo ee qofka la jecel yahay ayaa denbiga lagu badinayaa si loo beerlaxawsado. Waxay la mid tahay marka qofka lagu yidhaahdo: Aniga ayaa kaa gardaran oo wax ku waydiistay.

Boodhari:

cududuhu ma naaxaan ninkay talo ku ciirtaaye

casharkay wadaaddadu qoreen cudurkan goyn waaye = tahliil

cilmi iyo dawaba doontay oo waayey cilinkiiye = halka ay cilladdu ku jirto

Hees:

Allaa i badee caashaq waa belo oo

ma buurra ninkuu barriinsadayoo

jidhkayguu beddeluu ka buuxsamayoo

bakhtiin kari waayey boog shidanoo

Burdahaan ku akhriyi in uu baxo

Saamaynta Boodhari ee heesihii hore ku jirta waxaa la mid ah ta ku jirta heesaha dambe. Eeg:

hawada beena xalay baan is-idhi waad la huruddaaye

hareertayda madhan baan is-idhi haabo gacanteede

kolkii aan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday

u haylhaylay gogoshii sidii halablihii aare

siday iga halleeyeen maryihii hiifay oo tumaye

Hees:

xalay gelin dhexaadkii

mar aad gacalo ii timid

ooy gacantu laabtiyo

kuu salaaxday gaaddada...

ma ka toosay gagi madhan

gogoshaan ku jiifiyo

ma guhaadshey aqalkii

2. Ciyaarta dhaantada:

Haddii Boodhari lagaga dayday sida iyo ujeeddada fanka loo adeegsanayo, iyo ku dhiirrashada soo shaac bixinta dareenka nafsadeed, maansada muusigga la saaray badankeeda waa laga leexiyey miisaankii gabayga, waxaana loo doortay habdhaca ciyaarta dhaantada. Heesaha maanta loo yaqaan "qaraami" intooda badan midhaha lagu qaadaa waxay la miisaan yihiin kuwa ciyaartaas. Meeriska dhaantadu wuu ka gaaban yahay ka gabayga, wuxuuse la wadaagaa in ay qaafiyaddu laba jeer gelayso isaga oo aan haddana sida ka gabayga laba qaar lahayn ee mid keliya ah, taasina waa dabci yaab leh.

Heesaha qaraamiga ee habdhaca dhaantada ku dhisan waxaa loo yaqaan heello magacaas oo laga keenay jiibta isla ciyaartaas ee caanka ah. Luuqda heelladu waxay ku jaan go'an tahay sidan oo aad loo jiidjiido:

Helleellooy helleellooy hellooy helleellooy

Hellooy helleellooy hellooy helleellooy

3. Dhaqanka guud:

Labadaas arrimood ee aynu soo xusnay (Boodhari iyo dhaantada) ka sokow heesta iyo ruwaayadda casriga ah waxaynu arkaynaa in ay si toos ah uga soo baxayaan dhaqanka iyo caadooyinka soojireenka ah. Waxaa ka mid ah sida ay halabuurkaas ugu badan tahay qiso ku saabsan laba isjecel oo la isu diiday, nin sabool ah oo gabadha uu jecel yahay helisteeda yarad badan lagu xidhay i w m.

Waa maxay "qaraami"?

Heesaha maanta loo wada yaqaan "qaraami" run ahaantii haddii aynu eegno habdhaca murtida loo adeegsaday waxaynu arkaynaa in ay lahaayeen noocyo kala duwan ayse sidii aynu xusnay ugu badan tahay ta dhaantadu. Qaraam waa erey carabi ah oo macnihiisu yahay jacayl. Magacaas marka xarafka i gadaal laga raaciyo wuxuu noqonayaa wax jacayl ku abtirsada. Markaas heesaha qaraamiga waxaa laga wadaa "jacayl ah". Taas waxaa keenay iyada oo ay dadka magaalooyinku waagaas dhaqanwadaag la lahaayeen gaar ahaan Yaman iyo Suudaan. Cilmi-Boodhari qudhiisa ayaa ereygaas jacayl u adeegsaday markii uu lahaa:

hadday ili wax qabanayso oo lagu qaboobaayo

ama qurux la daawado kol uun aadmi ku qancaayo

aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane = gabadh qurux ku caan baxday

hayeeshee "qaraam" baa igu galay qalay naftaydiiye

Waxaa kale oo jira magac heesaha xilligaas qaarkood loo yaqaanney kaas oo ah Balwo. Balwada macnaheedu wuxuu la asal noqon karaa "balwad" oo ah wax lagu baloobay (balaayo). Sida uu qofku balwadda ugu xidhmo, ugu raaxaysto haddana u eedo, si la mid ah ayaa fanka iyo muusigga bilawgii loo arkayey wax lagu baloobay. Ereyga "balwo" wuxuu kale oo noqday magac jacaylka qudhiisa loo bixiyey taas oo

halabuur badan ka muuqata sida:

balwadaad igu beertay berigii

boggaygay ku taal sidii boog

Qaraamigu muxuu ka hadlaa?

Fanka cusubi wuxuu noqday fursad loo helay in lagu muujiyo jacaylka oo awel cabbudhsanaa. Nin uu caashaq jilbaha u dhigo oo sidii Raage Ugaas qarnigiiba mar soo baxa mooyee inta la og yahay ma jirin qof si fudud ugu dhiirran jiray sheegashada iyo ka maansoodkiisa. Waa xaalad cusub oo uu Boodhari dabarka ka jaray. Taas waxaa xoojiyey, oo xiise dheeraad ah siiyey, gabayga oo gudan kari waayey hawshan dareenka shakhsiga lagu cabbirayo. Gabaygu in kasta oo uu ahaan jiray halabuurka ugu xooggan waxaa loo ogaa shaqo qabiil iyo bulsho, wuxuuna ku sifaysnaa ad-adayg, dagaal, faan, digasho iyo wax kasta oo dhagar ah; ama dhanka kale garnaqsi, talobixin, nabadayn, haasaawe i w m.

Ma jirin gabyaa magac iyo maamuus ku heli lahaa haddii uu maansadiisa ku mashquuliyo sheegsheegidda jacaylkiisa, ama sifaynta quruxda gabadh uu jeclaa. Waxaa lagu tilmaami lahaa liite xilkiisa gabay. Arrimahaasi waxay shiiqiyeen oo qiimo tireen dareenka qofka u goonida ah. Markaas hees-faneeddu waxay buuxisay kaalin bannaan, waxayna noqotay halabuur fudud, isla markaas aan dan ka lahayn cid kale, caqlina aan ku fadhiyin ee dareenka ka imanaya. Fanka cusubi wuxuu meesha ka saaray in la ceebaysto muujinta nugaylka nafsadeed taas oo lagu tarjumayo calaacal, baryootan, eedsheegad, iyo waxyaalaha la midka ah ee ninka geeljirka ahi u arkayey jileec iyo doqonnimo.

Dhanka kale, fanka cusubi wuxuu abuuray in la curiyo lana adeegsado ereyo kooban oo leh murti aad u culus iyo qaafiyad iyo miisaan, iyada oo aan haddana maansoyahan la ahayn. Mana jiro qof aan heli karin meeris, laba ama saddex nuxur badan oo qalbigiisa maasha ka dillaaciya, isaga oo aan ka lahayn ujeeddo tixeed (maanso taxan).

Si xoogga iyo xanuunka caashaqa la qabo loo qeexo, khayaaliga waxaa la gaadhsiiyey in la sawiro qof jacayl u dhintay oo kii uu dartii u dhintay kaga eed sheeganaya in uusan maydkiisa soo booqan, ama u soo baroordiiqin! Qof dhintay maxaa ka galay kii dilay in uu u soo tacsiyeeyo?! Marka koowaad dhimasho run ah looma jeedo ee waxaa laga sarbeebayaa caashaq guul darraystay. Marka labaad waxaa ku jirta ujeeddo ah: noloshayda iska daaye xataa dhimashadayda aad sababtay jacaylkaaga waan u baahan ahay. Marka saddexaad waxaa ku sii jirta: haddii aan jacaylkaaga u dhintay kaama aan quusan ee waan kaa dhur sugayaa, oo haddii aan ifka kugu waayey aakhiro ayaan rajada u riixayaa. U fiirso:

anigu aakhiraan u dhoof ahaye

Dhexyareey qabrigayga soo dhugo

Qofka la jecel yahay aanse isaga jacaylku gelin waa la guhaamay oo lagu habaaray in uu Ilaahay ku rido jacayl halis ah oo la mid ah ka isaga loo qabo, dabadeed uu ku khasbanaado in uu kii isaga jeclaa caafimaad u soo doonto. Bal arag:

dhawaaqaygu dhaawac kugu noqoyoo

anigoon ku dhakhtarin laguma dhayo

...

cishqiga i ribbaday ku soo ridayoo

kuu raray sidii reero geeddiya

...

iskaa siiyey oo si kula noqotee

waan kuu samrayaaye nabsiga sido

Run ahaantii hadalka noocan ah ee aynu ilaa maanta hees-faneedda ku dhex aragnaa habaar ma aha ee waa ducaysi iyo allebari macnuhu yahay: Ilaahay waxaan ka baryayaa in aad sida aan kuu jecel ahay si la'eg ii jeclaatid, igana fursan waydid oo aan anigu noqdo qofka keliya ee ku dawayn kara.

Inta la og yahay halabuurka soomaalida markii u horraysay heesaha qaraamiga ayey la bilaabatay in jacaylka la falsafadeeyo oo waxa uu yahay baadhitaan lagu sameeyo. Sifooyin iyo magacyo badan baa la siiyey ay ka mid yihiin: cudur, boog, nabar, hawo, waalli, sixir, doog, nabsi, boholyoow, hilow, dhaawac, balwo, dabayl... Waxaa la isla qiray in uu hoog oo dhan sabab u noqon karo, sida uu liibaan oo dhan sabab ugu noqon karo.

Falsafadaynta iyo barashada jacaylku waxay gaadhay in la qeexo inta nooc ee uu u kala baxo, waxaana lagu sheegay ilaa toddoba qaybood:

caashaqu waa toddoba haddii la tirshee

mid aan tegin taabka la ii geli = gacanta

Toddobadaas nooc oo malaha laga wado: ka labka iyo dheddigga, ka waalidka iyo ubadka, ka Ilaahay, ka saaxiibbada, ka samaha, ka quruxda, iyo ka dalka. Ka labka iyo dheddigga ka dhexeeya qudhiisa waxaa loo sii qaybin karaa toddoba ay ka mid yihiin: nin isagu gabadha jecel laakiin aanay iyadu jeclayn, nin ay iyadu jeceshahay laakiin aan isagu jeclayn, laba isjecel oo la isu diiday, laba isjecel oo si kale isu waayey, laba isjecel oo is-helay i w m.

Waxaa kale oo la isku hawlay in la baadho sida uu jacaylku ku yimaado, waxaana la qiray in uu ka dhasho muuqa iyo hadalka ugu horreeya ee lagala kulmo qofka la jeclaanayo, natiijaduna waxay noqotay:

nabsigu waa dabayl duufaan wado oo

dibnaha iyo saaran daymada

Waxaa la weheshaday, oo carrabka lagu celceliyey, ereyo ay ka buuxaan cataw, baryootan, eedsheegad i w m. Waxaad arkaysaa iyada oo lagu raaxaysanayo sheegashada kelinnimo, hurdo la'aan, dhaawac, xanuun, oohin iyo xataa dhimasho. Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame "Hadraawi" oo xaaladdaas dhaliilaya ayaa dhowaan laga sheegay: "Haddii heesihii iyo ruwaayadihii qarnigii tegay dib loo eego waxaa la moodayaa in aynu jacayl u baabba'nay!" Runtuse waa arrinta aynu soo sheegnay ee ah in ay bulshadu heshay fursad faneed iyo si cusub oo ay dareenkeeda ku sheegto, siiba dhallinyarada, taas oo ah wax loo baahnaa nafsad ahaan iyo dhaqan ahaanba.

Ku dayashada Cilmi-Boodhari ka sokow sababta ay maansada jacaylka ahi ugu badan tahay calaacal iyo cabasho waxay tahay, dadka jacaylkooda ku guulaystaa waxba ma allifaan sidaas darteed codkooda lama maqlo, waase dadka uu jacaylku xanuunjiyey kuwa qayladooda iyo baroortooda la maqlaa. Garan maayo sababta ay dadka caashaqooda ku liibaanay taasi uga soo burqan wayday.

Suugaanta qaraamiga yaa curiyey?

Heesaha qaraamiga ciddii tirisay lama wada yaqaan, waayo waxay ahayd meerisyo tiro yar oo ay dabayshu si degdeg ah meel walba u duuliso lagana maarmay in qofkii sameeyey la ogaado. Waxaase jira qaar ku baxay munaasabado caan ah taas oo keentay in aan la illaawin. Waxaa ka mid ah kuwo laga hayo Ismaaciil-Cagaf oo ku caan baxay jacayl ribbaday oo uu u qabay gabadh reer Hargeysa ah. Sida la sheegay wuxuu wadi jiray cagafcagaf taas oo ay naanaystu ka raacday. Isaga oo Togdheer shaqo ku jooga ayaa loo sheegay gabadhii uu jeclaa in la siiyey nin lacag leh oo dhulka carabta ka soo degay kaas oo dhowaan la dhoofi doona. Markii uu warkaas maqlayba Hargeysa ayuu u cararay, judhii uu magaalada soo galayna wuxuu arkay dayuuraddii gabadha lagu qaaday oo cirka sii gelaysa! Halkaas ayuu ka mariyey beydadkan aad caanka u noqday, isaga oo eedda saaraya dhakhsaha badan ee dayuuradda:

bilaa la raraa baabuurrada oo

bariidada waad ka bogataaye

biligtaa qudha baa balaayo ah

Hadalkaas haddii aynu dhuuxno waxaa inagoo dhadhamaysa tixdii calaacalka ahayd ee uu Boodhari nasiib xumadiisa ku hiifay mar uu dayacay fursaddii uu Hodan kula kulmi lahaa, taas oo ay ka mid ahaayeen:

hadhka galay hurdadu waa xuntee hohe maxay seexshay

bal in aan habaar qabo maxaa Hodan i weydaarshay

hooygii ay joogtiyo maxaa hilinki ii diiday

Sida la sheegay beri dambe ayuu nin ay Ismaaciil-Cagaf saaxiib ahaayeen gabadhii oo reer leh la kulmay, waxayna weydiisay: "Saaxiibkaa heesihii caashaqa ahaa ee uu tirin jiray ma iska daayey?" Ismaaciil markii hadalkaasi soo gaadhay wuu damqaday, waxaana ku soo kacdoontay doogtii jacaylka, wuxuuna ugu cataabay:

adoo gabaniyo adoo guri liyo

gabawgaagu waa ii gudboon yiin

Gunaanad

Intaas oo dhan ka dib, meerisyada soo socda ee aan ka soo xulay gabayadii Cilmi-Boodhari, iyo kuwa ka sii dambeeya ee aan iyagana ka soo hal qabtay heesaha qaraamiga, isu eeg si aad u ogaatid in aanay haba yaraatee waxba ku kala duwanayn, af ahaan iyo nuxur ahaan toona. Waxaad arki doontaa kala duwanaanta keliya ee meesha ku jirtaa in ay tahay in ay kala yihiin gabay iyo hees.

Boodhari:

dadku waxay u haystaan inaan dhigay hugaygiiye = in aan waashay

haabkooda may gelin cishqiga hawsha daba taale

inta uu hadhuudh-laha ku daray ama hed soo gooyey

hal hal tirada waan lagu heleyn tan iyo Haabiile

anigana hadduu igu shakalay hadimadiisiiye

...

aqal daahyo weyn derged iyo daar middaan galaba

dallaallimo habeenkii haddaan meel dudda ah seexdo

dayax iiga muuq dheer midduu duunku caashaqaye

iga daaya hadalqaadku waa iiga darayaaye

...

intaan adiga kugu gooni ahaa geed haddaan la hadlo

ama aan gawaan qodayo may gama'sanaateene

gaalada ha joogtee sidaa gacal ma yeeleene

gardarriyee maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey

sidii aad go'aygii tihiyo macawistaan goostay

ama aad godkii aakhiriyo geeri iga baajin

ama aan geyiga lagu ogayn gabadh kaloo joogta

gardarriyee maxan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey

gadiidkii aan toosaba adaan kuu guntanayaaye

goobtaan istaagaba dhulkaan godad ka jeexaaye

sidii aad gidaar tahay maxaa kaa i garab taagey

gardarriyee maxaan Hodan Cabdaay kaaga go'i waayey

...

caashaqa haween waa horaa Caaddil soo rogaye

Sayidkii carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye = Nebi Maxamad (scw)

caruurtay sideen meesha iyo Ciise Nebigiiye

cidla lagama beermeen dadkoo cuuddi waaxid ahe

waxaa qaarba cayn looga dhigay ha iscajabiyeene

soomaalidaa caado xune iguma caydeene

sida weelka caanaha haddii laabta la culaayo

bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya

in aan cadaydo mooyee waxaan calasho lay diidye

caqliga yaa ka bi'in tuu Ilaah ku circaddaayeeyey = roob aan qaadin

cimrigayga oon jirin intii lagu cirroobaayey

mugga inaan caddaadaan ka biqi Canab daraaddeede = magac-qaafiyad: Hodan

cududuhu ma naaxaan ninkay talo ku ciirtaaye

casharkay wadaaddadu qoreen cudurkan goyn waaye

cilmi iyo dawaba doontay oo waayey cilinkiiye

jeeraanse Canabeey ku helo caafimaad dhimaye

inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye

illeen caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobey

...

hillaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediiye

hurdadana habeenkii ma ledo haddiyo waagiiye

sida hoorrimaad baa qalbigu ii hanqanayaaye

waa lay horjoogaa sidii horudhacdii geele

in aan haybsigeed dhigay hadday Hodan i moodayso

gabadh kale oo aan haasaawiyaa wayga haniyaade

...

kolba aniga oo sahashadoo saari ka ahaaday

ayuun baa saraab midabkileey lay sawirayaaye = dhalanteed, dhaandabaggaallee

sadrigay ku daabacan tahee uma sakhraameene

sidii saacaddii bay qalbiga iiga socotaaye

habeenkii markaan seexdo way ila safaaddaaye

salaaddii horay iga tagtaa oo siigo noqotaaye

...

mariil baa qardhaas loo tolaa meelo la qabtaaye = bukaan

mirir baa la gooyaa cishqaan cidina maarayne

...

hadday ili wax qabanayso oo lagu qaboobaayo

ama qurux la daawado kol uun aadmi ku qancaayo

aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane

wax badan baan qummaati u hubsaday qalanjo naagoode

ha yeeshee qaraam baa igu galay qalay naftaydiiye

idinkuna halkii qoommanayd baad i qabateene

qalbigaan bogsiinaayey baad 'qac' iga siiseene

bal qiyaasa waataan qandhaday Qamareey awgiine

qarqarrada jidhkaygiyo gacmuhu way qadhqadhayaane

qosolkaa yaryari waa waxaad nagu qaldaysaane

in aan Eebbahay idin qatalin qariya laabtiinna

...

iftiinka uma soo baxo ninkii iilka jiifsadaye

wixii kaa adkaadaaba waa aakhiroo kale e

waa laygu eemaray cishqiga inaan ku ooyaaye

ha u oonsan aakhiro waxaad urursataa yaalle

Qaraami:

arooryada hore daruur onkoddiyo

ufada roobku way udgoon tahay = dabaysha roob ka soo horraysa

...

boholyoowga naftayda beer qaadiyo

balwada oohinta ah adaa i baray

...

wax badan buste saaray boogtaydoo

markii ay bogsan wayday la i baray

...

la isuma daayo laba isdoonaysoo

dadkeennu waxyeelladuu door bidee

doogteedii weli waan la dacas nahay = darxumo iyo rafaad

...

halkii aad i qoontay way i qiiqdaayoo

qofkaan arko waan ka qariyaa

...

bal qaraamka in ay ku qiirooto

aan qaado qasiidadeedii

...

haddii aanay muuqan oo la magac dhabo

oo aan maqlo soortu waa ii malab.

...

hurdo waan ka caagoo habeenkii ma seexdee = (heestani waa jiifto)

sidii aan hadraayo aduun bay hor joogee

sidii hogosha roobka ah aduun bay hillaacay

Gabaygii (Hogol)

Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye
  Sida halo kareebaan saqdhexe soo horanayaaye 
Sida ubadku hooyada u tebo kuu hafeeftamaye
  Hadii aanan kulahayn yartaay kuma haleeleene
  Habeenkii yimaadaba lixjeer kuma horjoogeene
  Hal abuurka kuumaan tirsheen heesta caashaqa e 
Bal hor joogsi daayoo anaan haynin aragaaga 
Hareertayda ood joogtidbaan ku hami qaataaye
  Markaasaan humaagiyo cidlada ku hambalyeystaaye
  Hilinkaynu maridoono iyo hooy ku taamaaye
  Hagaageena iyo khayr ayaan ku hindisoodaaye
  Markaan keligey haasaawayee aan islahadlaayo
  Ayagoon wax hubinoo ogeyn waxa i heeteeyey
  Dadku waxay u haystaan inaan dhigay hugeygiiye
  Hadaaqay wax sheeg-sheegayaan uma haboonayne 
Haabkooda may gelin cishqiga hawsha daba taale
  Inta uu hadhuudhlaha kudaray ama hed soo gooyey
  hal-hal tirada waan lagu heleyn taniyo Haabiile
  Anigana haduu igu shakalay hadimadiisiiye
  Imikuu u hees yidhi gabdhaa taan hanteen rabaye
  Aniguna hensii kaama lumin u halgankiisiiye 
Waa waxan hadhuub ugu sitaa hoorka caashaqa e
  Waa waxan dhul heegadu martiyo Hodan u geeyaaye
  Waa waxan haboow uga jiraa horukac mooyaane
  Waa waxan hirdoogliyo caleen ugu horseedaaye
 Hablahoo dhan keligaa yartaay hibeda laysaarye
  ------------------------------------------------ Sida hogol kaliishii da'doo milicdu ay hayso
Ama lebiga Hawdoo gugii ubaxu heeryeeyey
Oo haadku dhaafoo shimbiro cimilo goor heesa
Aadmigu ma hilayee dhakhsuu ugu hiloobaaye
Anna xiisahaan kuu yahaa kaba hanaan dheere
Ninba tuu ka helay buu gabdhaha Hodan ku sheegaaye
Oon heer-kastay qurux katahay hawlin taa kale e
Anna dookhu adiguu huwadey kuna hareer yaale
Qaar buu gabdhaa hilibku iyo hugu cusleeyaaye
Adna inaanad haabkaa ahayn hubiyey dhawr-jeere
Naasahan sidii hooto waran hore u soo taagan
Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyaane
Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey
Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya
Ilko aan hoggoodii ka lumin kalana hoosaynin
Sankaagaa hanaankiyo qorshaa hadiyed loo siiyey
Dhabannada hareeraha wejiga halalac nuuraaya
Suuniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye
Luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisay
Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay
Heega iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey
Dhexdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin
Hannaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleen
Gobonimo haddii laga hadlana waa hirsood runa he
Hoo iyo waxsiin waxa ka roon haab garaab qaba e
Adiguna hantiday oo caqligu waa hub kuu dihine
Hadaaqaba ma dhaameen haddaan hadalku toosnayne
Hayeeshee warkaad hurin taqaan haa adoon odhane
Mar hadaad hufnaan gees kastaba aad ka hanaqaaday
Adigey hibaaqeey naftani heegan kuu tahaye
Adaan hiirta waaberi dartaa habataq luudaaye
Hanfigiyo kulayl-kiyo haddaan halowga soo jiidho
Oo aanan haabkiyo dhabtiyo laabta kugu haynin
Ma'haraado oonoo biyaha hoos uma dayo e
Haamadayga dhaxanta cabaar hooy kama galo e
Hawlaha dalkeygiyo xilkaan baaye hananaayey
ku habsaamay taadii markaan taydi hoos dhigaye
Magaalada hareertaad ka taal eed u hoyonayso
Inaan helo haddii aan yartaay haabka aan geliyo
Aaweey hubqaad wacan anaan hadal cid weydiinin
Hillaacaan sidiisii maraa hagida aad taale
Haatufkaan sidiisii walaal ku hor imaadaaye
Haddii aan heddeen gelin intaan dunida hoos joogno
Inaan kaa hawoodaa marnaba waa habeen tegeye
Hayeeshee Illaah baa hayoo calaf ku hoos yaale
Haddaan Eebe hoo odhan wuxuu u hunguroonaayo
Qofna abid ma soo helo wuxuu haari ku ahaaye
Haddii aynu kala haayirnoo laysu hiran waayo
Oo aan Hibaaqeey nasiib adiga ii haynin
Nacas hayle-foosh iyo qorqode garan hagaaggaaga
Midaan ku hidda-raacayn asaan haybed kugu beerin
Urdun xumaha hanfiif-sada kolkay hawli soconayso
Haddii talada aan hayn lahaa kuma horgeeyeene
Waxba yaanan sii hadaltiyeyn hadalka qaarkiiye
Ihaleel jacaylkii intuu soo hamaansadaye
Heensiyo hubkaa laba dhacuu igu hogaanshaaye
Hayin aan biyaha daadin iyo igadhig hawlmooge
Dhulka meesha Hodaniyo nimcada igu aghaynwaaye
Hogob laga hayaamiyo cidluu ila hadaafaaye
Hiil qodaxle iyo jeerin buu igu hagaajaaye
Waxaan hadimo soo maray waxaan halowyo soo meeray
Hohi cabasho weeyee mar qudha hiiftan maan odhane
Halbawlahaad i heertiyo lafahan hilibku naafoobey
Nabaradan bog hoosiyo wadnahan halac ka oogaaya
Haddii aan ku helileey bogsoon haarta qoomaniye
Waa hubaale hays odhan wax buu kuu hadoodilaye
Waa hadal nin waayeeli yidhi hiila kaa raba e
Waa hadal ka soo baxay ninkii kuu harraad qabaye
Waa hadal ka soo baxay ninkii kuu hadfee lumaye
Waa hadal ka soo baxay ninkaa soo hiloow ku lehe
Waa hadal qofkii la hordhigaa oohin hoorsadaye
Waa hadal qofkaan caashaq helin hawlyaraan la'ahe
Waa hadal markaan kugu hamiyey aan higaad qoraye
Waa hadal wax badan baan habraye uurku hayn karine
Waa hadal halkaad igaga taal hoo ogoow ku lehe
Waa hadal hayii kugu lalabay soo halaan-halaye
Caashaqa hareertaada qabo hubiyey kaygiiye

 

Baadidoon Jacayl

Markii ay cashadoodii dhammaysteen buu dareemay in ay gabadhu weli soo
eegayso. Wuu jalleecay oo inta u dhoollacaddeeyey dhan uga jeestay. Wuxuu
bilaabay in uu isku madaddaaliyo koobkii uu wax ku cabbayey. Qoob fardood
buu kaga yeersiiyey, Krrrrm! Krrrrm! Krrrrm!. Mar ciddiyihiisa ayuu ku
falaadaa, marna hareerihiisa ayuu daawadaa. Wuxuu u bartay in uu weerarka
daymada hablaha kaga xishoodsiiyo, balse isagaa markan diiradda lagu
hayey. Gabadhu maba libidhsanayso! Cawil intuu xaalladdaas u adkaysan
waayey buu ku yiri, "Hani, ma waxaad doonaysay in aad wax ii sheegto?"

"Haa. Walaalow waxaan ka fikiraayey waxa aad aniga iga damacsan tahay."
Cabbaar intay ka aamustay bay u raacisay, "Ma guur baad iga rabtaa, mise
gaabsi?" Boorsadeedii markan intay kursiga dhinaceeda ka soo qabsatay bay
dhabteeda saaratay.

"I dhagayso," ayuu yiri Cawil. "Seddex goor ayuun baan is aregnaye, sidee
iiga fillaysaa in aan go'aan caynkan ah gaaro?"

"Anigu ninyahow derbiyo isistaag iyo isdabacarcarar wakhti uma hayo ee
haddaad wax ii haysid haatanba ii sheeg."

"Waxay ila ahayd marka hore in aan is dabeecad baranno, ka dibna haddaan
isu qalanno aan guur ka sheekaysanno." Welwel baa inanka ku jiray, wuxuuse
door biday in uu daacad ugu warramo.

Markuu intaas yiri bay illayn diyaar bay ahayde Hani miiskii ka kacday.
Gacanteedii buu Cawil haabtay, saa way iska gundhisay oo ka sii
dhaqaaqday!

"HANIII!" ayuu kaga daba qayliyey. Gabadhii intay socodka boobsiiyey ayey
ugu dambeyntii orod albaabka uga baxday, dibna uma soo jeedsan.

"Kaagaas oo kale waannu naqaannaa!" ayey ugu jawaabtay markay waddadii
timid oo aragtay inuu Cawil ka soo daba qaatay. Durba intay taksi meesha
maraayey gacanta u haadisay ayey degdeg uga gashay. Cawil oo yaabban, oo
naxsan ayaa sii eegay illaa uu taksigii ka libdhay.


--oo00oo--


Dhowr toddobaad ka hor habeenkaas ayuu Cawil waxa uu booqasho maalin Sabti
ah ugu tegay saaxiibkiis Xasan. Markii ay qadeeyeen iyagoo fadhiga ku
nasanaya ayey Suleekha, xaaskii Xasan, inta ay u timid ku tiri, "Waxaan u
malaynayaa in ay sheeko badan isugu kiin hartaye, waan idiin firaaqaynayaa
xaafadda. Shaahii tarmuuskuu idiinku jiraa, haddaad ii baahataana waxaad
iga soo wacdaan guriga reer Afrax."

"Waad ku mahadsan tahay qadadaadii macaanayd, dumaashi," ayuu Cawil
Suleeqa oo sii socota ku yiri.

"Adaa mudan," bay tiri, "Mar mar noo kaalay oo ha lagu arko."

Xasan intuu kacay ayuu xoogaa afadiisii albaabka kula sii faqay, ka dibna
intuu ka soo xiray ayuu la soo fariistay Cawil.

"Ninyahow waa adigan baraaraye malaha guurkii kaagama uu darin." ayuu
Cawil yiri.

"Cawilow faa'iidada guurku leeyahay waxaa ugu yar nafaqada. Bal xusuuso
waagii aannu wada degganayn ee aan soolanaha ahayn. Ka warran baastadii
aanu kadjabka ku iidaaman jirnay?"

Cawil intuu madaxa ruxruxay ayuu yiri, "War ha i xasuusin xaalladda aan
weli ku jiro! Dadkoo dhan ma sidaadaad moodday?"

"Waxaan uga dan leeyahay marka aad guursato, in ay niyaddaadu degayso,
iimaan wanaagsan aad yeelanayso, bulshaduna ku ixtiraamayso. Waxaad tahay
nin dhallin yar oo shaqaysta, wax kaa dhiman oo aan ahayn qof nolosha kula
qaybsada ma jirto. Haddaba wixii wanaagsanba waxaa fiican in aan kula
jeclaado ee saaxiib xertayada ku soo biir." Xasan wuxuu u dhaqaaqay
dhankii jikada si uu shaahii u keeno.

Markuu Xasan soo noqday ayuu Cawil yiri, "Xasanow, gabar wanaagsan oo aan
isu qalanno ayaan weli raadinayaa, marka aan helana haddee ogow
minxiiskaygii baad tahay."

"Sharaf wayn bay ii tahay in aan kugu garab galo," ayuu yiri Xasan.
Markii uu bakeeriyadii shaahii ku shubay ayuu su'aalay in uu caddays rabo.

"Maya bigayskaan ka helaa."

"Haye," ayuu Xasan yiri, intuu shaahiisii kabbaday, "bal warran;
maalmahan maxaa la soo sheegay?"

"Arrimahaas inta aynaan u gelin, waxaan doonayaa in aan kaa waraysto sida
aad Suleekha ku kulanteen. Waxaan uun aragnay adigoo leh 'waan idinka
guurayaa ... waan guursanayaa'. Sidee ku baratay ilaa waad naga
qarsataye?"

Xasan intuu ku qoslay buu yiri, "Waxaan ka soo qaaday Keele iyo Eglinton
iyadoo bas ku sugaysa. Dixon baan keenay, kadibna taleefonkeedaan
waydiistay iyo inaan wada sheekaysan karno, seddex bilood ka dibna
arrimihii oo dhan waan soo gebagebaynay, maantana waa adiga na arkaaya."

Cawil waxa uu garwaaqsaday in uu ku khaldanaa hablihii faraha badnaa ee uu
mar walba dariiqa ku dhaafi jiray. Wuxuu yiri, "Maanta ka dib lagama yaabo
in aan qof Soomaali ah, wiil ama gabar, aan waddada uga tago. Illayn talo
isuma kaa sheegto."


--oo00oo--


Cawil waxa uu ku tashaday in uu tijaabiyo qaabkii uu Xasan Suleekha ku
bartay. Waxaa ka hor yimid riwaayadaha iyo xafladaha dhallintu ku kulanto
oo uu natiijo wanaagsan ka waayey. Maalin walba marka uu shaqada u sii
socdo ama ka soo socdo sida taksiilaha ayuu waddada hareeraheeda ka eegaa
gabar Soomaali ah oo bas sugaysa. Meel walba oo uu safarkiisa ka bilaabayo
waxa uu ku ducaystaa, "Ilaahow gabar Soomaliyeed oo bas sugaysa". Haddii
uu firaaqo u helo, wuxuu soo agmaraa dugsiyada ay dhigtaan, marka ay
ardadu soo baxdo. Waqtigii iyo shidaalkii baa kaga dhammaaday markuu dhowr
maalmood baadigoob ku jiray.

Maalin dambe ayuu adeeg u soo aaday suuq wayn oo ay Soomaaliduna wax ka
iibsato. Intii uu ku jiray ayuu arkay gabar bilicsan oo qaybta shaaha iyo
sonkorta dhex socota. Dhankeedii buu u soo dhaqaaqay. Markii uu in yar u
soo jiray baa laba carruur ah oo aanu markii hore arkin ay ku soo baxeen
iyagoo leh, "Hooyo! Hooyo, nacnac noo gad." Intuu iska salaamay buu hore u
sii dhaafay. Seddex kale ayuu dhinaca qudaarta ku arkay, waase cajabin
waayeen. Cabbaar buu meelaha marmaray, wax uu ku dhacana waa waayey.

Dibedda markuu u soo baxay ayuu arkay laba gabdhood oo ay ka dhacayso oo
suuqa sii gelaaya. Cawil wuxuu is yiri, "Sidaan meesha kagama tegi
kartide, wixii soo baxa iska sug". Gaarigiisii buu albaabka agtiisa soo
dhigtay. Dadka kale wuxuu ugu muuqday in uu qof sugaayo, cid danaynaysayse
ma jirin aan ka ahayn dhallinyaro gawaaridooda, sida taksiilaha, dadka
alaabta ugu qaada oo meesha ka qaraabta. Cabbaar buu fadhiyey oo isagoo
isu camiraaya kolba saacaddiisa eegaa. Dhallinyaro wiilal ah oo taqaanay
oo la kulantay, wuu ka diiday inuu caawiyo. Markan waxay ka ahayd,
"Ilaahow gabdho Soomaaliyeed oo gacan iiga baahan". Saacad ka dib buu
kafee ka doontay. Soo noqodkiisii ayuu arkay, gabdhihii uu u hanweynaa
waxay ka raaceen gaari kala jiidan oo wiilal asaaggiis ah ay wataan.

Markay saacado ku dhaafeen ayaa waxa dibedda soo istaagtay haweeney
waayeel ah oo dhididku ka tifqaayo iyadoo labo bac oo waayeyna la
luudaysa. Wuxuu is yiri, "Tolow tan wax u ciidamiya ma weyday?" Intuu soo
degay ayuu ku yiri, "Eeddo, keen kuu qaadee."

"Maandhow duca qabaad tahaye, hoo," ayay haweenaydii la soo boodday.

Intuu alaabtii gaariga u soo saaray buu iyadiina albaabka ka furay.
Markay soo galeen buu haybiyey halka ay deggan tahay, waxaanay u sheegtay
in ay Dixon u socoto.

"Eeddo," ayuu Cawil ku yiri markan oo ay waddadii ku soo dhaceen,
"alaabtaan oo dhan maxaa kugu raray?"

"Eeddo wiilkaygii oo Iglan jooga ayaan oodkac u jarayaa. Xoolihii
waddankaasoo idil baa la yiri cudur baa kaga dhacay. Eeddo waa madiyoo ma
doonayo inuu iga jirrado."

"Ma keligiis baad carruur ka leedahay?"

"Maya ee gabdho aan dhalay baa halkan jooga."

Cawil uurkuu ka yiri "Haakah! Wallee maantay kaa fuqday". Intuu soo
jalleecay buu ku yiri, "Eeddo Cawil baa la i yiraahdaa ee adiguna
magacaa?"

"Cambaro," ayey ugu jawaabtay

Waxay yimmaadeen daartii ay Cambaro degganayd. Intuu soo degay buu
albaabkii ka furay alaabtiina u soo dejiyey. Wuu u soo qaaday oo ilaa
gurigeeda u keenay. Waxay haweenaydii kaga dhaaratay inaanu bixin ilaa uu
inta soo galo wax qabow cabbo. Albaabkii intay in yar furtay ayey gudaha
ugu qaylisay, "Hibaaqeey hooyo, waa la ila socdaa!" Daqiiqad ka dib bay
soo galeen gurigii si gabadha gudaha ku jirta ay ugu siiyaan fursad ay
isugu diyaariso.

Markuu Cawil alaabtii gudaha u dhigay baa loogu baaqay kuraastii fadhiga
in uu ku nasto, haweenaydiina waxay gabadheedii ku amartay in ay wiilka
wax qabow siiso.

Hibaaq waxay ka soo baxday qolalkii mid ka mid ah. Waxay xidhnayd garays
Iliindi ah, garbasaarna way hagoognayd. Waxay ahayd gabadh joog iyo
jamaalba leh. Intay yare dheerayd bay haddana jalaqsanayd. Iyadoo
dhoollacaddaysa ayey dhankii Cawil u soo dhaqaaqday.

"Ahlaan wasahlan Hibaaq!" ayuu Cawil gabadhii si dhiirran ugu salaamay.

"Nabad walaaleh," ayey Hibaaq debecsani ugu tiri.

"Cawil," ayuu ku yiri intuu salaan u soo taagay. Way ka qaadday. "Waxaan u
malaynayaa in aan hore u kullanay, mase garanayo meeshay ahayd kolley
wejigaagu waa igu yaallaa."

Intay Hibaaq dhoolaha caddaysay bay tiri, "Waa laga yaabaa in aan hore isu
aragnay. Wax qabow miyaan kuu keenaa mise shaah baan kuu kariyaa?"

"Hadba kaad ii garato. Wax qabow baase kuu dhib yar baan u maleynayaa."

"Haddaba hays martiyeynin minanka minankaagii waayee," bay tiri iyadoo
jikada u sii socota.

Markay cabbitaankii u keentay ayey Hibaaq inankii xoogaa fadhiga ugu sii
sheekaysay. Way is wareysteen oo isu xog-warrameen. Hibaaq waxay wax ka
baranaysay Jaamicadda Toronto, gelinna waxay ka shaqaynaysay dukaan dharka
lagu iibiyo oo beledka hoose ku yaal. Waxay uga warrantay sida uu
waqtigeedu ciriiriga u yahay oo aanay nafis uga helin howl-maalmeedkeeda.
"Dhowaan bay imtixaannadii ii dhammaadeen, waana ilaahay mahaddii wax
duruus ah la iguma lahan."

Markuu Cawil sii baxaayey bay Hibaaq sii dhoweysay. Waxay la tagtay ilaa
halkii gawaarida la dhigan jiray. Gaarigii Cawil ma oollin halkii uu kaga
tegay. Hareeruhuu ka dayey isagoo fahamsan in uu meel khalad ah uga tegay
oo laga jiitay. "Abaayo halkanaan dhigtay, waxaanan filayaa in la iga
jiitay," buu Cawil gabadhii ku yiri.

Welwelka Cawil way dareentay gabadhu inkastoo uu ka qarinaayey. Si deggan
bay Hibaaq ugu tiri, "Waan ka xumahay aboowe, hase ahaatee waxba ha ka
welwelin anigaa kula doonayee." Intay ka codsatay in uu sii sugo ayey
gurigii ku laabatay. Daqiiqado ka dib bay soo noqotay iyadoo fureyaal
wadata markaasay ku tiri, "Ina keen anigaa ku geynaya meeshii aad
doontee."

Gaariga Hibaaq wuxuu ahaa mid yar oo noocyada Jabaanka ah. Markii ay
gudaha gashay bay albaabka ka furtay. Waxay ku soo dhaqaaqeen waddadii,
welise Cawil wax hadal ah kama aanu soo bixin. Intay soo yara jalleecday
bay ku tiri, "Waxaasoo dhan hooyaday baa kuugu wacnayd. Hadday aniga i
sugi lahayd tani kuguma dhacdeen."

Cawil intuu soo baraarugay buu ku yiri, "Waxaa ii qornayd in aan adiga
maanta ku barto. Taas baan isku madaddaalinayaa, waana mid u qalanta
wixii iga soo gaara oo kale."

"Waad mahadsan tahay."

Hibaaq waxay inankii geysay rug lagu xareeyo gawaarida sharciga jebiya ee
boliisku soo qabto ama la jiito. Waxaa Cawil laga qaaday lacag ganaax ah
intii aanan loo fasaxin in uu baabuurkiisa la baxo.

"Hibaaq aad iyo aad baad u mahadsan tahay," ayuu gabadhii ku yiri. "Howl
badan baad iga furatay, waxaanse jeclaan lahaa in aan mar kale kulanno
iyadoo qalalaase kale aanu inagu jirin."

"Waxba kama qabo," ayey tiri iyadoo xishoondna indhaha ka dadbaysa.

"Ka warran haddii aan ku soo waco si aanu waqtiga isula garanno?"

Markay taleefoonnadii kala qorteen bay kala tegeen. Cawil ugu dambayntii
waxay u ahayd guul iyo rajo cusub oo ku soo korortay baadidoonkiisii.


--oo00oo--


Maalintii ballantooda oo uu Cawil aad u dharersanaayey ayaa la soo gaaray.
Waxay ahayd Sabti uu shaqadana ka nasanaayey. Wuxuu duhurkii tegay
timajare halkaasoo inta timahana loo soo hagaajiyey garkii iyo shaarubkii
toddobaadkaas ku baxayna looga soo xiiray. Gaarigiisii buu soo dhaqday,
shidaalna badanna ku soo shubtay. Markii uu gurigiisii ku soo noqday buu
haddana qubaystay. Wuxuu ku soo lebistay jubbad, surwaal madow, shaar cad,
dhuunqabad midabbo leh, iyo kabo madow oo aad u dhallaalaya. Wax ka
dhinnaa ma lahayn markuu ugu dambeyntii barafuunkiina isku soo buufiyey.

Firaaqada Hibaaq oo aad u adkayd bay aawadeed ku ballameen beledka hoose
in ay isugu yimaadaan marka ay gabadhu shaqadeeda soo dhameysato. Hase
ahaatee, waxay Hibaaq goobtii timid iyadoo aanay daal iyo dacdarro ka
muuqan. Jooggeeda dheer bay aawadeed soo xiratay kabo madmadow oo gaaban.
Waxay ku lebisnayd cambuur dheer oo madow, boorso u egna garabkeeday ka
lulatay. Timaheedii dhaadheeraa gadaal bay u sii daysnaayeen iyagoo
foolkana ku jaran, dhexdana waxa ugu giijisnaa suun dahabi ah oo si u
shabbahay midabka timaheeda. Farxad bay la dhoollacaddaysay markay Cawil
oo daqiiqado ka soo horreeyey aragtay.

"Waan ku faraxsanahay aragtidaadan qaayaha badan," buu Cawil ku yiri.

"Miyaan kugu daahay?" bay su'aashay.

"Maya."

Waxay halkii ka sii aadeen makhaayad yar oo bilicsan oo uu Cawil hore miis
uga sii carbuuntay. Markii soorehii uu miiskoodii keenay buu intaanu
fariisan Cawil gabadha kursigeedii u qaabeeyey. Cabbaar bay is hor
fadhiyeen oo midba kan kale daymada ku xadaayey. Dhiirranaan buu xoogaa
ugu daahay daawashada wejigii gabadha. Niyadduu ka yiri, tani waa mid
kala xiran. Hibaaq markay aragtay bay xishood dartii dhanka kale uga
jeesatay, isaguna isagoo dhoollacaddaynaya una bogay fallaaraha dareenka
ee dhexdooda isdhaafaya ayuu isaga negaaday.

"Aboowe wax yar iga raalli ahow," bay Hibaaq tiri intay sare u kacday.
Wuu istaagay intay sii baxaysay, waxaanay gabadhii u dhaqaaqday qolalkii
kortagga.

Markay Hibaaq soo noqotay, ayey xoogaa sheeko guud isku madaddaaliyeen
intii dalabkooda looga keenaayey. Waxay ahayd maqaayad Carbeed oo ku caan
ah ****ooyinka Bariga Dhexe.

"Hibaaqeey waxaan ku su'aalay, ma jiraa qof ay sheeko idinka dhaxayso?"
ayuu Cawil su'aalay markii macmacaankii ugu dambeeyey loo keenay.

"Maya sababtoo ah shaqada, iskuulka iyo howlaha guriga ayaaba aniga iga
adag."

"Waxaan danaynayaa in aan barashadeenna iyo sheekada dhexdeena aan sii
wadno iyadoo aanay khilaafin howlahaaga kale. Maxay kula tahay?"

"Ma xuma ayaan u malaynayaa."

Markii hore waxay ku talagalsanaayeen in ay shineemana sii galaan, balse
sheekadii baa isugu baxday oo kaga maarmeen maaweelo kale.

"Cawilow, waxaan kaa codsanayaa, haddii aad doonayso in uu xiriirkeennu
sii jiro in aad marnaba been ii sheegin," ayey tiri Hibaaq. Markan waxaa u
yaallay labo koob oo shaah ah.

"Maxaad ka waddaa beenta aan kuu sheegayo?" ayaa Cawil su'aalay, intuu
miiska dhigay koob gacanta uu ku sitay.

"In aad gabdho kale igu dul wadato iyo waxyaabo la mid ah."

"Macnaha ma in ay sheekadu inagu koobnaato mise waad ka hinaasaysaa?"

"Intaba. Aniga laftaydaa taas kuu ballanqaadi lahaa."

"Hagaag. Waa ballan, beenna kuu sheegi maayo."

"Haddaba ma jirtaa mid kale oo aad sidayda wada sheekaysataan?"

"Maya, ma jirto gabar kale oo ay sheekadeennoo kale inaga dhaxayso," buu
Cawil yiri. In yar buu inta hakaday ku daray, "Ma jirtaa wax kaloo
dheeraad ah oo aad i waydiinayso?"

"Haa."

"Soo daa haddaba."

"Waxaan rabaa in aan ogaado waddada uu xiriirkayagu ku socdo."

"Waxaan doonayaa in uu noqdo mid waara oo weligiis jira. Adigase maxay
kula tahay?"

"Waan kugu raacsanahay."

"Haddaba ma waxaad doonaysaa in aan dedejinno mise in aan marka hore is
dabeecad baranno, kadibna aan aayihiisa ka tashanno?" Koobkiisii buu
haddana qaatay oo kabbaday.

"In aan marka hore si fiican isu baranno ayaa ila door roon."

"Sidaa aawadeed, taladaadaa jirta, aniguna waan kugu raacay."

Goor dambe oo la xiri lahaa ayey ka soo tegeen maqaayaddii.

Markuu gurigeedii keenay oo ay degaysay ayuu Cawil inta ka hor degay
gaariga albaabkiisa ka furay. Wuxuu u sii dhoweeyey gurigeedii, wuxuuna ku
hubsaday wiishkii dabaqeeda u qaadi lahaa.

"Hurdo caafimaad leh ayaan kuu rajeeyey," buu ku yiri.

"Anigana sidoo kale. Waadna ku mahadsan tahay habeenka caawa ah ee
wanaagga badan." Iyadoo gacanta u haadinaysa ayey ka sii dhaqaaqday,
nabadgelyona u sii rajaysay.

"Nabadgelyo," ayuu ku yiri cod gaaban oo uu ka shakiyey in ay gabadhu
maqashay. Mar kale ayuu sare ugu dhawaaqay. Wuxuu ka soo dhaqaaqay iyadoo
mar kale gacanta u haadinaysa.


--oo00oo--


Cawil markuu gurigiisii ku soo noqday habeenkaas, daqiiqado ka dib isagoon
dharkaba iska beddelin ayaa talefoon u soo dhacay. Wuu qabtay, waxaanay
ahayd Hibaaq.

"Haye Hibaaq..."

"Waxaan hubsanaayey in aad xaafaddaadii nabad tagtay," ayey ku tiri intii
aanu hadalkiisii dhammaysan.

Dareen naxariiseed baa Cawil durbadiiba jirkiisa dubaaxshay. Waxay ugu
horreysay gabadh sidaa ula dhaqanta. Intuu kursi hoostiisa yaallay ku
fariistay ayuu ku yiri, "Waad mahadsan tahay, macaan. Waan nabad imid
xaafaddaydii."

"Aboowe," ayey tiri Hibaaq, "Waxaan kaloo doonayaa in aan kuu sheego in
aad Jimcaha aniga ii casuman tahay haddii aad firaaqo tahay."

"Waxba kama qabo, laakiin maxaad isu dhibaysaa?"

"Waxaa talada arrintan leh hooyo oo waxay iga codsatay in aan ku casuumo.
Haatanse yaanan waqtiga kaa qaadine, nabadey."

Markay mar kale is macsalaameeyeen ayuu Cawil dib uga fikiray arrimihii uu
Hibaaq kala kulmay. Wuxuu isu barbardhigay ballantiisii ugu dambeysay ee
Hani iyo tan habeenkaas ee Hibaaq. Isagoo mowjaddaas ku jira baa waxaa mar
kale yeeray da****ii taleefonka. Markan waxay ahayd Hani.

"Ii warran Cawilow, sow nabad maaha?" ayey Hani ku tiri.

"Nabad walaal," ayuu yiri, wuxuuna la yaabay sida uu niyadda ugu haayey
iyo maqalka codka gabadha ee isla kulmay.

"Caawa oo dhan baan ku soo wacaayey, waan ka xumahay in ay goor dambe
tahay," ayey ku tiri.

Isagoo dhoollacadeynaya ayuu ku yiri, "Macna malahan, dhowaan baan
laftaydu soo galay."

Intay xoogaa ka hakatay bay tiri, "Waxaan kuu soo wacay in aan kaa raalli
geliyo sidaan habeenkii dhowayd kaaga soo tegay. Waxaa aad iiga hor yimid
wiilasha markaan ..."

"Waan ku fahamsanahay," ayuu yiri Cawil isagoo hadalkeedii barjaray.
"Raalli baan kaa ahay, garna waad u leedahay in aad samayso wixii kula
gudboonaaday. Waxaan kuu sheegayaa in uu baadigoobkaygii soo idlaaday.
Aad baad ugu mahadsan tahay raalligelintaadan, waanan kaa guddoomay."

Dhamaad

RAMADAAN KARIIM
 

Job Title and Company Name for My Previous Job (1/1/99-1/1/00)
Here is a description of a previous recent job, including my job responsibilities, major projects I completed, and skills I made use of.

Job Title and Company Name for Another Previous Job (1/1/98-1/1/99)
Here is a description of a previous job, including my job responsibilities, major projects I completed, and skills I made use of.

Wiiljacayl Online wiiljacayl@hotmail.com Webmaster: Abdilahi Jawhar Abdi