Make your own free website on Tripod.com

Erayadii ugu dambeeyay ee Jacaylka

Welcome!

Haye, xabiibi, habeenkii kaama seexdo, hurdo kaama ledo , cadceed soo baxaysaad ii tahay, ubaxeeey, quruxeeey, macaaneeey, biyahaan kaa dhex arkaa, malab soo da'aayaay.

Adiga la'aantaa hurdo ma seexdo, dhuuni igama dego, qalbigu iima fadhiyo, maalinta aan ku helo cirkaan ku geyn lahaa, dhulkan kugu soo wareejin lahaa, nolosha ugu heerka saraysaan ku gelin lahaa , waxaad ku noolaan lahayd baraare inta aad nooshahay.

Xabiibi waan ku jecelahay, ha iga fogaaan, codkaaga i maqashii, aragtidaadaa ii daran, gacantaadaan u baahnahay ,,,

-----------------------------------

xabiibtii qalbigeyga aa tahay, xabadka aa iiga taalaa, laabta adey kuu buktaa, shafka warkiisaba daa, beerkeygu waa baxsad adiga daraadaa waaye, wadnaha bu'bu' baa ka yeerayo, miyyirkeyga aa tahay, maankeyga aa ku dhissantahay, madaxeyga kama baxdin cawo iyo habeen, halbowlaha dhiiggaad dhex qaadaa, oogada dhammaanteedd baa ku tabto, aragtidaada iftiin ay ii tahey, muuqaalkaaga dayyax waa iiga daranyahay, dahab ceyriin aa tahay, dhayman aa tahey, saqdhexe adaan kugu riyoodaa, subax uusan diiqu ciyin adiga daraadaa ayaan dhafoorada u qabsadaa, intee iga jirtaa, ii soo dhawoow, aan ku dhadhamiyee dhidid baa iga da'ayee, dhabtaada isaar aan dhutiyee, dhibicda roobka udgoonkeeda aa tahay, qaanso roobaad oo kalaad bidhaameysaa, kaalay agteyda imoow, aan shaaheynee, xasuus aan galnee illamaa goortii aan is baranney, naftu waa qaaliyee qalbigaad igaga jirtaa ee bal adna keyga soo gal si quluubteenu isku daalacato

Wixii kale ee aad hayso ee ku saabsan Farriimaha Jacaylka waad noo soo diri kartaa adoo noogu soo hagaajinaya cinwaannadayda hoose.

People shouting at the world over megaphones; Size=240 pixels wide

Wiiljacayl Online

Nagala soo xidhiidh
 
 

Please get in touch with any comments or reactions to my site.

Wiiljacayl Online