WIILJACAYL ONLINE

Ciyaaraha Sportiga

Home
Ciyaaraha Sportiga
Bogga Diiniga
Maxaa cusub
Ila soo xidhiidh
Sawiro
Qisooyin
Salaamaha
wiiljacayl

Bogga Ciyaaraha Isboortiga ee Wiiljacayl Online

Kulamada wareega 8da ee horyaalka yurub Roma iyo Manchester, Arsenal iyo Liverpool, isku aadkii oo la sameeyay

Kooxaha uga caansan qaaradda yurub ee u soo baxay wareega 8aad ee horyalka yurub ayaa la soo saaray jimcihii qaabka ay isku arki doonaan, iyada oo ay kooxo waaweyn oo hal wadan ka socda qoorta la isku galshay.

Arsenal waxay la ciyaari doontaa kooxda Liverpool oo labadiisano ee tagtay Finalka ciyaartay, mar ay qaaday iyo mar laga qaaday, waxayna kooxda funaanadda casaanka ay fursad u heshay kulanka ugu dambeeya in ay ku ciyaarto garoonkeeda Anfield maadaama kulanka hore ay aadi doonto magaalada London oo ay marti ugu noqon doonto Arsenal.

Roma waxay Garoonka Olympico  ee magaalada Roma kusoo dhaweynaysaa kooxda Manchester United, iyada oo la xusuusto natiijadii fadeexada ee 7-1, waxana isha lagu hayaa maadaama kulanka labaad uu ka dhici doono Oldtraford in ay dhacdo mid lamid ah 7-1 kii Roma ay kala kulantay safarkeedii Magaalada Manchester.

Schalke waxay la ciyaari doontaa kooxda Catlaniga ee Barcelona, iyada oo fursadda Barcelona ay tahay iyada oo kulanka ugu dambeeya ee lagu kala baxayo uu ka dhacayo garoonkeeda Camp Nou ee Magaalada Barcelona.

Kooxda Turkiga ee Fenerbahje oo ay taariikhda markii ugu horeysay ay tahay oo ay u soo gudubto wareegaan waxay Istanbul ku marti galin doontaa kulanka hore Kooxda Chelsea, iyada oo kulanka dambena uu ka dhici doono magaalada London

kulamada Semifinalka waxay u ciyaari doonaan kooxda ka timaada Arsenal, Liverpool waxay sugayaan tan soo badisa Fenerbahje iyo Chelsea, kooxaha Roma iyo Manchester midii soo baxda waxay sugaysaa in ay la ciyaarto Schalke iyo Barcelona mida soo baxda.

W.D Maxamed Yuusuf Axmed
Sweden.

================================================
Kooxda Manchester United ayaa kusoo dhawaatay Arsenel kadib markii ay 5-1 udhiibtay kooxda Newcastle oo ay ku boooqatay garoonkeeda "James park"

    Man United oo umuuqatay koox ay ka go!antahay in ay badiso marhadii ay ogeyd in ay Arsenel bareejo gashay ayaa awood kusoo bandhigtay garoonka Newcastle oo uu tababarahoodu cusub  Kevin Keegan qaabilay  iyadoo aan badin Toban kulan  halka ay 3 gool oo qura ka dhalisay lixdii kulan ee ugu danbeeyay.

    Labada xidig ee Rooney iyo Ronaldo ayaa ahaa laacibiintii maquuniyay Newcastle kuwaas oo min laba gool kadhaliyay cayaartaasi.

    Daqiiqadii 25aad ee qeytii hore ayuu Man United goolkoodii koowaad usaxixay Ciyaaryahankooda afka hore Wayne Rooney waxaana ulabeeyay Cristiano Ronaldo daqiiqadii 45aad.

    Markii dib la iskugu soo laabtay Qeybtii labaad ee cayaarta ayaa Newcastle muujiyeen dadaalo ay ku doonayeen in ay goolasha isaga soo gudaan hase yeeshee waxaa gool 3aad ugu daray Cristiano Ronaldo oo daqiiqa 56 ka dhaliyay, hase yeeshee Newcastle waxaa usuura gashay in ay dhaliyaan goolkoodii koowaad oo uu usaxiixay Ciyaaryahankooda kasoo laabtay Ciyaarihii qaramada afrika Faye daqiiqadii 79aad hase yeeshee daqiiqad kadib ayaa waxaa u afareeyay Rooney oo ka dhaliyay daqiiqadii 80aad halka uu ku qatimay daqiiqadii ugu danbeysay ee 90aad Ciyaaryahanka Saha waxaana ay cayaartaasi kusoo gabagabowday 5-1 oo ay guushu ku raacday Man United.

   Dhinaca kale Kooxda arsenel ayaa waxaa isbaaro udhigtay kooxda Birmingham oo mudo 87 daqiiqo ah kula cayaarayay Toban  nin kadib markii daqiiqadii 3aad kaarka cas lootaagay kabtankoodii Martin Taylor.

    Cayaarta waxaa saameyn weyn ku yeesheen dhaawaca soo gaaray ciyaaryahanka afka hore uga ciyaarayay arsenel Eduardo oo ka jabay lugta bidix qeybta hoose kadib markii uu ku istaagay ciyaaryahanka la bixiyay ee Martin Taylor waxa ayna taasi keentay in ay cayaarta taagnaato mudo daqiiqado ah.

    Wararka ugu horeeya ee ka soobaxay jabka soo gaaray ciyaaryahankaasi markiisii hore ku dhashay Brazil  ayaa sheegaya in uu maqnaan doono inta ka dhiman horyaalkan iyadooba loo maleynayo in uu xitaa seegi doono koobka  Qaramada yurub oo ay usoo baxeen Xulkiisa Croatia.

    Macalinka Arsenel  Arsene Wenger ayaa aad uga xumaaday dhaawaca soo gaaray ceyaaryahankaasi isagoo ku eedeeyay kabtanka Birmingham in uu si ula kac ujabiyay Laacibkiisa waxaase arintaasi ka biyadiiday maamulka Birmingham  oo ku tilmaamay in ay laba ciyaaryahan ay kubadi ka dhaxeysay ayna ka xun yihiin dhaawaca soo gaaray ciyaaryahankaasi da!da yar.

    Kadib markii cayaarta dib ubilaabatay Arsenel, gool ayaaba looga hormaray oo daqiiqadii 28aad ee qeybta hore ayaa waxaa ka dhaliyay McFadden oo gool aad uqurux badan ee Free Kick ahaa ka dhaliyay cayaartana  kadhigay 1-0  inkastoo ay Arsenel muujisay dadaal badan hadana uma suura galin in ay wax goolal ah dhaliyaan qeybtii hore waxaana lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineyso Birmingham.

    Markii dib la iskugu soo laabtay qeybtii labaad ee cayaarta ayaa Arsenel oo kala maamuleysay cayaarta waxa ay weeraro isdaba joog ah ku qaadeen goolka Birmingham waxaana usuura gashay in ay goolkoodii koowaad dhaliyaan daqiiqadii 49 aad kaasi oo uu udhaliyay laacibkooda 18 jirka ah Walcott waxaana isla ciyaaryahankaasi uu sii nooleeyay rajada arsinal oo uu ka dhigay mid gacanta ku dhigi karta 3da dhibcood kadib markii uu kubad oo meel dheer kasoo qaaday oo uu lasoo dhex maray ciyaaryahanada Birmingham uu shuut ku daba mariyay Goolhayaha Birmingham hase yeeshee dhacdada arsinal ka nixisay waxa ay aheyd markii daqiiqadii ugu danbeysay cayaarta laga dhigay rigoore kadib markii ciyaaryahankooda difaaca Clichy kubad uu sahashaday oo laga dafay uu xirada ganaaxa gudaheeda wax ku jilaafay waxaana Rigooradaasi ka dhaliyay McFadden oo cayaarta ka dhigay mid dhibcaha min hal loo kala qaatay.

    Arsenal waxa ay hada hogaanka ku heysaa  64 dhibcood waxaana kasoo daba gatameysa Manchester United oo leh 63 dhibcood, Ciyaaraha kale ee maanta dhacayna waxa ay kooxaha ukala badiyeen sidan.

Liverpool 3-2 Middlesbrough

Portsmouth  1-0  Sunderland

Wigan Athletic  2-0  Derby county

Fulham  0-1  Westham

WD: Yuusuf Axmed Nuur (Yuusufey)

Qaahira masar

yuusufay10@hotmail.com)

Wiiljacayl Online

g