« December 2017 »
S M T W T F S
1 2
3 4 5 6 7 8 9
10 11 12 13 14 15 16
17 18 19 20 21 22 23
24 25 26 27 28 29 30
31
You are not logged in. Log in
Entries by Topic
All topics  «
Blog Tools
Edit your Blog
Build a Blog
RSS Feed
View Profile
My Blog
Thursday, 25 March 2010
Meles: La yaabi maayo Mareykanku inuu dhaho Birtukan waa siyaasi maxbuus ah sababtoo ah ONLF bayba dhaheen waa urur siyaasi ah
Ra'isulwasaaraha dalka Itoobiya, Meles Zenawi, oo ay warbaahintu weydiisay su'aallo ku saabsan gabadha maxbuuska ah ee la yiraahdo, Birtukan Mideksa, ayaa maruu ka jawaabayey hadalka Mareykanka ee ah inay Birtukan u xidhan tahay arrimo siyaasadeed ayuu yiri; la yaabi maayo inay sidaas yiraahdaan, maadaama ONLF ay u aqoonsan yihiin urur siyaasi ah.

Meles ayaa la weydiiyey: Ma la socotaa in wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanku ay Birtukan Mideksa uga diiwaangashan tahay siyaasi maxbuus ah oo ay caddeysay inuu caafimaadkeeda maskaxda sii xumaaneyey intey xabsiga ku jirtay? Ma ka war-heysaa xaaladda caafimaadkeeda intey halkaa ku jirtay? Xagee ka imanayaan warbixinadan?

Meles ayaa su'aalahan kaga jawaabay: La yaab igu maaha inay Birtukan u aqoonsadaan siyaasi maxbuus ah, sababtoo ah waxaan fahansanahay inay sidaas oo kale u aqoonsadeen Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya (ONLF) iyo Jabhadda Xoreynta Oromiya (OLF), argagixiso maxkamad la geeyey oo ay maxkamaddi ku xukuntay inay yihiin siyaasiyiin maxaabiis ah. Waa cajiib in argagixiso maxkamad la geeyey oo maxkamaddi sharciga aheyd ay ku heshay danbi inuu u aqoonsado siyaasi maxbuus ah Mareykanka oo ah dalkii aduunka baray fikirka in dad la iska xirxirto (waxa afka qalaad lagu yiraahdo enemy combatants), kuwaasoo la rajeynayo inay ku jiraan xaalad sharciyan cakiran (waxa afka qalaad lagu yiraahdo legal limbo) waqti dheer. Lakiin noloshaa sidaas ah. Waxaan u maleyn inuu Faransisku dhaho “C’est la Vie,” (waa Af-faransiis oo markii Soomaali loo badallo noqoneysa "noloshaa sidaas ah," ama "waa iska xaal aduun." Sidaas baynu u dhignay ayuu yiri Meles.

Meles oo hadalka sii watay ayaa sheegay in markii ugu danbeysay Birtukan xaalkeeda caafimaad uu hagaagsanaa, markii laga reebo waxoogaa dhowr kilo hilib ah oo fuulay kor-keeda, taasoo uu ku micneeyey iyadoonan helin dhaqdhaqaaq ama jimicsi.

Meles ayaa guud ahaan warbixinta Mareykanka ku tilmaamay mid aanan waqti badan la galinin, si loo xaqiijiyo wararka ku qoran.

Meles ayaa ka xumaaday su'aal aheyd: si loo xaqiijiyo waxaad sheegayso, diplomasiyiinta iyo wariyayaashu ma arki karaan Birtukan?

Meles ayaa su'aashaa uga jawaabay: May, taas dhici-meyso. Birtukan waa maxbuus caadi ah oo sharcigu xukumay, waxaa loola dhaqmi sida maxaabiista. Waxa ay doonayaan kuwo Mareykanka iyo meelo kale jooga waa in Birtukan loola dhaqmo si ka gadisan maxaabiista kale, sababtoo ah waxey doonayaan inay diraan fariin ah haddaad saaxiibo ku leedahay meesha ku habboon waad ka badbaadi ciqaabta Itoobiya. Waligeed xabsi baynu ku heyneynaa si aan u tusno kuwan waxaas inaynan waxba ka jirin.

Jawaabaha Meles ayaa marba marka ka danbeysaa waxaa ka muuqday caro iyo xanaaq uu u qabo dalalka isku dayaya inay culeys ku saaraan siideynta Birtukan, isagoo in badan ku celceliyey inaynan wax ka yar ama ka badan maxaabiista ka buuxda jeelasha dalka Itoobiya heli doonin Birtukan.

Posted by wiiljacayl at 1:32 PM EDT

Newer | Latest | Older